Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Berbera

Hargeysa (SLpost)- Shil gaadhi oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay duleedka Magaaladda Berbera gaar ahaan Meel u dhow Kaantaroolka Galbeed ee xarunta gobolka Saaxil.

Shilkan ayaa sababay dhismaha 4 Qof, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta cusbitaalka Guud ee magaalada Berbera, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale.

Waxa shilkan sababay kaddib markii ay isku dhaceen Laba gaadhi oo noocyadoodu kala yihiin VITZ iyo Basaska Rakaabka. Gaadhiga Baska ah ayaa ka tagay dhinaca magaalada Hargeysa, halka baabuurka Vitz-ka ahi ka yimi dhinaca magaalada Berbera.

Afarta qof ee geeriyooday ayaa saarnaa baabuurka VITZ-ka ah, kuwaas oo sida la sheegay saddex ka mid ahi ahaayeen Shaqaalaha dekedda Berbera oo ku sii jeeday Magaalada Dacar-budhuq si ay maalinta Berri codkooda uga dhiibtaan.