Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shaqaaqo ka dhacday Duleedka Laascaanood iyo Go’aan Maamulku soo saaray

Degmada Laascaanood
Degmada Laascaanood

 

Laascaanood (SLpost)- Hal Qof ayaa ku geeriyooday laba qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay shaqaaqo salka ku haysa arrimo dhul oo labada dhinac ku dhex-martay duleedka Woqooyi ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dhacdadaas iyo Go’aan ka soo baxay maamulka gobolka.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu sheegay in ay jiraan dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba qof oo kale, waxaanu caddeeyey in ay goobtaas la wareegeen ciidamada amaanka ee Somaliland ee magaaladda Laascaanood.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sool sheegay in ciidamada Booliska Somaliland ee magaaladda Laascaanood ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii shaqaaqadaas dhuleed ka dambeeyey oo shan nin ka koobnaa, xilliganna ay gacanta dawladda ku jiraan.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu sheegay in ay ka dawlad ahaan joojiyeen arrimaha Dhulka muddo saddex bilood ah, madaama oo dalku uu doorasho gelayo, waxa uu sidoo kale farriin u diray dadka reer Laascaanood iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay ruuxa shaqaaqadaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba oo uu ka tacyadeeyey.

Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah

Waxa uu guddoomiyuhu bulshada u soo jeediyey in ay is dejiyaan, isla markaana raggii shaqaaqadaas ka dambeeyey ay gacanta ku hayaan dhammaantood, wixii dambena dawladda lala soo socodsiiyo.

Badhasaabka gobolka Sool, waxa uu Ciidamada Booliska ee gobolka Sool uga mahadceliyey sidii ay uga hawlgaleen shaqaaqadan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net