DHEGAYSO – Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Ceerigaabo oo Xukuumadda ku eedeeyey inay magaaladaas kala Dhex-dhigtay Sooh-dimo Ganacsi iyo Qabyaaladeed

21Ceerigaabo (SLpost)- Xildhibaan Jaamac Ibraahim Jaamac oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Ceerigaabo, ayaa qorshaha Xukuumaddu u dejisay lacag ka beddelka magaalada Ceerigaabo ku tilmaamay mid qaab jaahilnimo leh loo maamulay, isla markaana dadweynihii magaalada kala dhex dhigtay xuduud ganacsi iyo mid qabiileed.

Xildhibaan Jaamac Ibraahim oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga talada haya ee Kulmiye uga soo baxay doorashadii deegaanka, waxa uu ku dooday in dhibaatooyin nabad-gelyo-darro, dhaqaale xumo iyo Sicir-barar oo wakhtigan ka taagan magaalada Ceerigaabo ay xukuumaddu sabab u tahay, waxaanu ugu baaqay cid kasta oo ay khusayso lacag ka beddelista Ceerigaabo in si deg-deg ah wax loo qabato dhibaatooyin iso soo taraya oo xusay inay ka jiraan magaalada.

DHEGAYSO CODKA

RadioXildhiiban Jamac Jibriil

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net