DHEGAYSO: Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee TOGDHEER oo ka xog-warramay Sababihii horseedka u ahaa Xadhiggiisa iyo Sifaha loo maray sii Dayntiisa

Guuleed-Daahir-SamatarHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer ee xukuumaddii UDUB, Mr Guuleed Daahir Samater, ayaa sheegay in xalay la soo daayey, ka dib markii uu diiday dammaanad uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, doonayey inuu kaga soo baxo Saldhigga Dhexe ee Hargeysa oo uu dhowr maalmood ku xidhnaa.

Badhasaab Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu dhaliilo u jeediyey xubno ka tirsan Xukuumadda oo sida uu xusay sifo khaldan uga faa’idaysanaya xilalka qaran ee umadda ay u hayaan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyey sababihii kallifay in guddoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi uu Iska casilo xilka badhasaabka gobolkaas.

HALKAN KA DHEGAYSO:

Guuleed Daahir Samatar ayaa muddo toddobaadyo ah ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii bishii hore ay Saqdhexe Ciidammada RRU-da ee Booliska Somaliland saqdhexe ka soo qabteen Gurigiisa magaalada Burco, isla markaana lagu soo xidhay Xabsiga magaalada Berbera oo afar maalmood ka dib laga siidaayey, loona soo dhaadhiciyey Hargeysa oo markuu maalmo joogay haddana dib loogu xidhay.