DHEGAYSO: Garabyada Isku-haya Xisbiga KULMIYE oo Foodda Isku-daray Dood Xaasaasi ah oo bedka soo Dhigtay Sida Arrinkoodu weli KAAF IYO KALA-DHEERI u yahay

Hargeysa (SLpost)- Labada Garab ee xisbiga Kulmiye u kala falliidhmay ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, ayaa maanta foodda isku daray dood xaasaasi ah oo aan waxba layskula hadhin, taas oo u muuqata mid gaasta ku sii hurinaysa waan-waan ay Ergo guurtida ahi ka dhex-wadaan labada dhinac.

Jaamac Shabeel_Xuseen A CaydiidWasiirka Cadaaladda Xuseen Caydiid oo ah garabka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeda Garabka hoggaanka Xisbiga iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Aasaasayaashii Ururkii Hubaysnaa ee SNM, kana mid ah siyaasiyiinta dhaliila hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta foodda isku daray dood ay u qabatay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga.

HALKAN KA DHEGAYSO DOODDA DHEXMARTAY

 

SOMALILANDPOST.NET