Dhegaysiga Dacwadaha loo haysto Weriye Coldoon oo ka bilaabmay Maxkamadda gobolka Maroodijeex

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta Maxkamadda gobolka Maroodijeex si rasmi ah uga bilaabantay Dhegaysiga Dacwadda Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo labadii bilood ee u dambeeyey u xidhnaa dhowr dacwadood oo badankooda ay ku soo oogeen masuuliyiinta Dugsiga Abaarso Tech.

 

Xeer-ilaalinta ayaa todobaadkan shaacisay noocyada saddex dacwadood oo loo haysto CabdiMaalik Muuse Coldoon, kuwaas oo laba ka mid ahi ka yimaaddeen dhinaca Dugsiga Abaarso Tech oo ku dooday in Weriyuhu ka faafiyey dacaayado ka dhan dugsiga iyo ardayda dhigata oo ay sheegeen in sumcaddooda meel lagaga dhacay.

 

Haddaba, faahfaahinta warkan sida dhegaysiga dacwaddu maanta u bilaabantay kaga bogo muuqaalkan hoose