Dhawaaq Dhiillo Xambaarsan oo Ka yeedhay Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Kaga Jira Gobolka Sool, ayaa eedaymo u jeediyay Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka.

Xildhibaannada oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sharci jebin ku tilmaamay go’aan ay soo saareen guddiga diwaan-gelinta ururadda, kaas oo ay ku sheegeen in gobolka Sool laga doonayo 400 oo qof Madax-taabashada taageerayaashaas ururrada siyaasadda, halka gobollada kalena ka yihiin 1000 qof.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in gobolnimada Sool shaki la galiyay arrinkaasina aanay ahayn wax la aqbali karo, iyagoona sheegey inay xaqiraad iyo nusqaamin ay u arakaan go’aanka guddiga.

Advertisement

Waxaa kale oo ay sheegeen in qaabka ay hadda wax u wadaan guddiga diiwaan gelintu aanay ahayn mid sax ah, iyaga oo farriin u diray Dadka gobolka Sool.

Sidoo kale, Guddida diwaan gelinta ayay ku eedeeyeen in ay laalush ka qaateen ururada siyaasada, waxaanay dadka reer Sool ugu baaqeen inay ka dagaalamaan arrintaa ay guddiga urruradu wadaan.

Xildhibaanadan, ayaa ku baaqay in guddiga diwaan gelintu ay ku soo laabtaan sharcigii ay golayaashu ansixiyeen ee goboladda dalka simaayay, iyaga oo walaac xoogan ka muujiyay goobo lagu urruurinayo dadka gobolkaasi, islamarkaana aanay gobolada kale la qabin.

Waxay Xildhibaanadu geesta kale codsadeen in loo cadeeyo sobobta keentay in gobolka Sool dadkeeda iyo gobolnimadeeda loola dhaqmo in haaf lagu sheego.

Advertisement