“Dhawaan Ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Xilka Ka Degi Doonaa” Xildhibaan Maxme Jaamac

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye isla markaana laga soo doortay gobolka Sool ayaa si rasmiya u shaaciyey in uu yahay musharax u tartamaya guddoominimada  golaha wakiilada Somaliland ka dib marka uu kursigaasi si  iskii ah  u baneeyo sida xildhibaanku sheegay guddoomiyaha xilligan ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).Xildhibaan-Maxamed-Jaamac

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo u waramay warbaahinta qaarkeed shalay ayaa sheegay in uu kulan la qaatay xildhibaanada ku jira golaha wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo sanaag isla markaana uu u bandhigay hankiisa ah uu u tartamo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland marka uu kursigaasi iska casilo guddoomiyaha xiligan ee golahaasi isagoo intaasi ku daray in ay u balameen isaga iyo xildhibaanada ay isku deegaanka yihiin in ay sii wadaan kulamada iyo wada tashiga ku aadan arintan.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka waramaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Xildhibaanada ay isku deegaanka yihiin ee uu la kulmay ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa aan doonayaa in aan idiin sheego maanta (shalay) waxa aanu kulanay xidhibaanada ka soo jeeda deegaanada hartiga ,kulan aanu isugu nimi oo balaadhnaa intooda badan waxa aan ugu gudbiyey oo ujeedada aan ula kulmay ahayd si aan u iclaamiyo oo u sheego sida la ogyahay waxa dhawaan fadhigan ama fadhiga xiga golaha banayn doona oo si ikhtiyaari ah uga tagi doona guddoomiyaha golaha wakiilada sidaas darteedna waxa weeyaan in aan isu sharaxo jagadaas guddoomiyaha golaha wakiilada ayaan u jeediyey, run ahaantiina waxaan jecelahay in xildhibaanada kale ee golahana aan halkan uga gudbiyo”.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo aanu waydiiyey waxyaabaha ay isku afgarteen xildhibaanada ay isku deegaanka yihiin ee uu la kulmay ayaa sheegay“walaahi hadda iclaambay ahayd hadda ii codee iyo farta taag may ahayn , afkaar iyo waxa jirta bal marka hore in laysku gudbiyo, waxa dhici karta in qaarkood ay yihiin iyaga qudhidoodu kuwo quud-daraynaya ,qaarkoodna ay fikrado kale qabi karaan laakiin waxa weeyaan marka ay halkaas gaadho ee la rog-rogo ee ay noqoto xaqiiqda waan u iclaamiyey wixii wadda tashigayaga ahina wuu sii soconayaa”.

Geesta kale mar uu ka hadlayey Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi qaabka uu rabo in uu u kasbado xildhibaanada kale ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu yidhi:-“walaahi xildhibaanadu waa rag aanu is naqaano muddo siddeed iyo toban sannadood ah ayaan fadhiyaa golaha wakiilada waxa weeyaan muddadaasi rag aanu wada shaqaynaynay iyo rag aanu isku cusub nahay oo hadda toban sannaba aanu wada shaqaynaynay way jiraan waxaan rajaynayaa oo aan rajo fiican ka qabaa in aan heli doono aqlabiyad fiican”.

mar xildhibaanku uu ka hadlayey waxyaabaha ku dhaliyey in uu Isu sharaxo jagada guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu yidhi:-“Walaahi waxa aan is leeyahay waa meel yar ,madaxweynaha waan isu-taagi lahaaye duruufo badan ayaa jira laakiin maadaama oo aan muddo siddeed iyo toban sannadood ah golaha wakiilada ka tirsanaa waa hawl aan garanayo, looyar baan ahay ,waayo arag baan u ahay wax fara badan oo maanta golaha wakiilada ka qabyo ah ayaan dhamaystiri karayaa”.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi waxa uu intaas ku daray in xilliga ka hadhsan muddo xileedka golaha wakiilada Somaliland oo ah mid aad u kooban ay golaha hor-taalo hawl aad u culus oo ay ugu muhiimsan yihiin xeerar badan oo qabyo ah caqabadahaas golaha hor-yaala uu karti u leeyahay in uu golaha ka saaro.