Dhallaan La Carbiyey oo Maalintii Xuskooda Ka Qiireysiiyey Marti-sharaf tiro badan

Hargeysa (SLpost)-  Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Dr Xoog) Madaxa Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Maxamed Mixille Boqore, Madaxa WHO Aasiya Cismaan, masuuliyiin ka socday shirkadaha wadaniga ah ee Telesom iyo Dahabshiil grup,gudoomiyaha degmada Maxamed Mooge iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasibad lagu qabtay xarunta daryeelka caruurta ee Mustaqbal oo ku taalla degmada Maxamed Mooge.

warkaMunaasibadan oo ku suntanayd maalinta caruurta AFRIKA ayaa masuuliyiintii xafladan ka qayb gashay ay si wayn uga hadleen dayaca iyo dhibaatada ay qabaan caruurta darbi jiifka ah ee ku dhaqan Somaliland. Marwo Luul Xasan Mataan oo ah hooyada maamusha xarunta agoomaha ee Mustaqbal ee degmada Maxamed Mooge, oo halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekaysay taariikhda maalinta carruurta Afrika iyo sababta keentay in maalintan loo asteeyay, waxayna xustay in loogu tallo-galay in maalinta la xasuusto carruurta Afrika kuwooda dhibaataysan si wax loogu qabto. Marwo Luul, waxa kale oo ay ka sheekeysay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xarunta agoomaha ee Mustaqbal oo ay hadda ku jiraan boqol iyo dhowr carruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay qaarkood aad u yaryar yihiin, waxayna sheegtay inay jiraan duruufo ku xeeran dhalaanka halkaasi ku jira, iyadda oo dadkii ka qayb-galay iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsatay inay gacan ka geystaan sidii loo dabooli lahaa baahida carruurtaasi. Luul, waxay xustay inay soo dhowdahay bishii Barakaysnayd ee Rammadaan, sidaa daraadeedna loo baahan in wixii sadaqo ah ee la bixinayo lala ogaado carruurtan si baahidooda loo daboolo bishaasi “Waxaanu idinka codsanaynaa inaad mashruucaa khayriga wax ka geysataan (Taakuleynta carruurta agoomaha ah ee lagu hayo xaafadda Maxamed Mooge ee Mustaqbal), anagu lacag kama doonaynaa cid kastana way u furan tahay oo waanu ku soo dhaweynaynaa inay ka qayb-qaadato Mashruucaasi khayriga ah, aayamihii khayrka ayaa soo galaya oo waa Rammadaantii, Carruurtana waa kuwii ay ku baxaysay (Sadaqadu)”ayay tidhi Marwo Luul Xasan Mataan. Marwo Aasiya Cismaan, oo ka  socotay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo iyaduna madashaas ka hadashay ayaa  ballan-qaaday in wixii awoodeeda ah aanay waxba ka hagran doonin  “Aniga oo ku hadlaya Magaceyga iyo magaca hay’adda WHO waxaan isku dayayaa wax alaale iyo wixii taag ama tamar ah ee aan tari karo inaan carruurtaasi ku caawiyo”ayuu tidhi Madaxa WHO ee Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen-Xoog) oo Munaasibada Xuskaasi soo gunaanaday  ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yuhiin in ay bixiyaan dhamaan wixii dawo ah ee ay caruurtaasi u baahdaan: “waxaan ballan qaadayaa in maalin kasta oo khamiis ah aanu u soo dirno xarunta dhakhtar soo baadha caafimaadka ubadkan oo dawadiina sida,waxaa kaloo aan diyaar la nahay in aad heshaan dawo iyo baadhis joogto ah,waxaan aaminsanahay in madaxwaynihii barito iyo masuuliyiintii mustaqbalku idinku jiraan,waxaa kaloo aan soo dhiibaynaa dawada gurmadka degdega ah ee la siin karo mid kasta oo idinka mid ah oo wax soo gaadhaan xiliyada aan goob caafimaad la soo gaadhsiin Karin,waxaan hay,adaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobayba ugu baaqayaa in au caruurtan yaryar wax u qabtaan waa kuwa ay magacooda wax ku soo  qaadaan, waayo? mid kastaaba waxay sheegtaa in ay bani’aadminimda ka shaqaynayso”.  Wasiirka oo ka hadlayay fadliga bisha Ramadaan ee fooda inagu soo haysa ayaa fariin u diray ganacsatada,xukuumadda iyo bulshada reer Somaliland, “Waxaa inagu soo fool leh Ilaah khayrkeeda ha ina siiyee Bishii Ramadaan waxaad ogaataan xukuumad ganacsato,iyo dhamaan dadwaynaha reer Somaliland-moow in ay ubadkani xaq u leeyihiin in ay helaan xuquuqda ubadkeenu helaan, in ay soomaan oo waxay ku soomi lahaayeen inta qaan gaadhay ayaa la inga rabaa wixii baahidaa dabooli lahaa,inay iidaan ayay xaq u leeyihiin oo la inaga rabaa, waxaanad ogaataan in raggii ciyaaraha ee Ronaldo iyo Messi-gii berritoba ay halkana ku jiraan”. Intii Munaasibaddaasi socotay waxa dhex taal ahayd oo Carruurta xaruntan lagu xannaaneeyaa soo bandhigeen Masraxiyad  ka turjumaysa Maraaxilkii iyo geedi socodkii  ay soo martay noloshoodu, laga soo laga soo bilaabo sababaha keena in ay derbi jiif noqdaan, ilaa darxumada ay suuqyada ka soo gaadhay  iyo illaa haatan ay nasiib u yeesheen badhkood in xaruntan ay soo galaan, waxaana intii masraxiyaddaasi socotay  ku ladhnaa suugaan iyo heeso qiiro geliyey masuuliyiintii madasha ku sugnaa, kuwaas oo ay carruurtan yaryari ku cabirayaan noloshooda iyo waajibka ka saaran bulshadu inay daryeesho. Tiraba Afar Heesood oo aan kala dhicin ayaa ubadkan  yaryari ka qaadeen madasha iyagoo dhammaantooda ku suntanaa noloshooda, waayahooda iyo darxumooyinka ku geddaaman carruurta dhigooda ah eek u dhaqan qaaradan Afrika, gaar ahaaana Somaliland. Heesahaas waxa kamid ahaa Heestan oo uu allifay Abwaan Cabdixakiim-QIIQ, Codad baxsan oo curdin ahna ay ku luuqaynayeen   Koox Carruur ah oo si qiiro leh u muujinayay dareenka ay xambaarsanayd heestu. Mar way ku garnaqsanayaan, marna waxay kaga mahad sheeganayaan  Aasaasaha Xaruntan (Maamo Luul), halka Mar kalena ay  ku muujinayaan dadka kii wax taray iyo kii aan u jixin-jixin intay rafaadsanaayeen.  Waa kuwan Midhaha Heestan oo TAAG-YARI Hal-u-dhegeedu ahaa, ee dhugasho wacan:

Markaan taag yaraayeen

Taageerada dhallaankiyo

Taakuleyn  u baahnayn

Derbi-jiifkii tuulnaa

Toobiyaha la mara iyo

Togga iyo bannaanada,

Toddob soo hillaaciyo

Dhaxamuhu na tumayeen

Ruuxii Wax noo taray

Iyo kaan na tebi jirin

Taariikhday ku qoran tahee

Tagtadiyo timaadada

Tusaalooyinkoodii

Waxaan tibaaxda ugu daray

Horumarkaa tisqaadiyo

Bulsho tacabka loo huray

Kii turunturoodow talo way ku seegtee

Toobiyihii habboonaa

Intaad toobad keentoo

Tiigsataa habooneyd.

Waddaniga tilmaamta leh

Tabtaa Hooyo Luul bay

Naftiisii u tabo-rucay

Taakuleynta Ubadkee

Hooya Luul Nagama Tegin

Markaan taag-darraynee

Tunka Nagu Xambaartee

Taageer Illaahoow, Aamiin,,Aamiin