Dhalinyaro Loo Xidh-xidhay Xiisaddii Suldaan Wabar oo La Sii daayey iyo Wasiirro Gaadhay magaalada Boorama

Hargeysa (SLpost)- Dhalinyaro dhowaan loo xidh-xidhay Xiisad uu magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka abuuray Suldaan Abibakar Wabar oo deegaannadaas kaga dhawaaqay hadallo liddi ku ah Qaranimada Somaliland oo uu ku sheegay inuu gobollada Awdal iyo Selal ka go’ayaan Somaliland iyo maleeshiyo-beeleedyo uu kula dagaalamayo ciidanka Qaranka, ayaa maanta xorriyaddooda loo soo celiyey, waxaana isla maantaba loo gudbiyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

dhalinyaroDhalinyarada oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyey ku xidhnaa Xabsiga Mandheera, ka dib markii Ciidamada Ammaanku ka qab-qabteen gudaha magaalada Borama oo ay dhaq-dhaqaaqyo ammaan-darro ka wadeen, waxa sii-deyntooda magaalada Hargeysa loogu qabtay munaasibad qado ah oo lagu sagootiyey, taas oo uu kala qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Kooxda dhalinyarada ah waxa isla maantaba loo gudbiyey dhinaca magaalada Boorama, waxaana sii raaciyey wasiirro uu hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka arrimaha Gudaha, oo magaaladaas u gaadhay soo-af-jarista Xiisadda uu Suldaankaasi ka abuuray deegaankaas.

Sii-deynta dhalinyarada rabshadaha loo xidh-xidhay, ayaa ka dambaysay kulamo dhexmaray xukuumadda iyo madax-dhaqameedka Awdal oo dalbaday in dhalinyarada loo soo wareejiyo Xabsiyada gobolka Awdal ama Xorriyaddooda loo soo celiyo.

Waxa ilaa immika Xidhan oo dhalinyarada la sii daayey isku mar la wada-xidhay Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo dhalinyarada ku hoggaamiyey inay sameeyaan fal-dambiyeedka lagu qab-qabtay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO