“Dhakhaatiirtii xannaanada xoolaha niyad jab baa ku dhacay Markii saxaafad loo keenay” Axmed Xaashi Oo Weeraray Magacaabida Wasiir Cukuse

Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga caafimaadka xoolaha, ayaa dhaliil culus huwiyey qaabka uu madaxweyne Siilaanyo usoo xusho wasiirrada uu wasaaradda Xannaanada Xoolaha usoo magacaabayo tan iyo intii xukuumaddiisu talada qabatay.

Dr Axmed Xaashi Oday oo marti ku ahaa Barnaanimka Caafimaadka ee HCtv ka baxa, ayaa sheegay in xukuumaddu si weyn u hagratay wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo muhiimad gaar ah, isla-markaana ay iska indho tirtay ka fiirsashada ciddii ku haboonayn in loo xulo.

Axmed Xaashi oo faahfaahinaya sida uu madaxweynuhu xannaanada xoolaha ugu dhiibo dad aan ehelkeeda ahayn, ayaa waxa uu yidhi,”Dawladdu wasaaradda Xannaanada xoolaha aad bay ugu dhacday sababtoo ah mar kali ah dadkeedii may. helin hore Militeri iyo dhakhtar dad baa iskaga hooseeyey, imikana saxaafaddii iyo dhakhtar dad baa iskaga hooseeya, dadkii aqoonta u lahaana way buuxaan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata Dr Axmed Xaashi Oday, ayaa waxa uu sheegay in qaabka uu madaxweynuhu u xusho wasiirrada Xannaanada Xooluhu niyad-jab weyn ku keentay dadkii mihnaddaas yaqaanay, “Dhakhaatiirtii xannaanada xoolaha niyad jab baa ku dhacay marka marna askari loo keeno, marna dhakhtar dad loo keeno, marna saxaafad loo keeno, waxana ay u arkeen inaanay jirin wax dan ah oo xukuumaddu xoolaha ka leedahay.”ayuu yidhi Axmed Xaashi Odey.

Waxa uu Farriin u diray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, waxana uu yidhi,”Madaxweynaha iyo maamulkiisaba waxan ka codsanayaa inay xannaanada xoolaha dib ugu soo noqdaan oo ay ehelkeeda u dhiibaan, maadaama ay lafdhabartii dhaqaalaheena yihiin.”Dhaliishan uu guddoomiye Axmed Xaashi Oday u jeediyey qaabka loo xulo wasiirada xanaanada Xoolaha, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay uu wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo khabiir saxaafadeed ahi majaraha u qabtay wasaaradda Xannaanada xoolaha, waxana la filayaa qaabka uu u daboolo dhaliishaas dusha laga saaray wasaaradda.