Dhadhami waayihii dorraad! (Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?) – Qalinka: Barkhad M. Kaariye

kaariyeDhawaaqa ka soo yeedha dalka hooyo marka qofku dibedda ka joogo, waxaad mooddaa in uu ka kulul yahay, kana damaq badan yahay kuwa laga sheego marka dalka gudihiisa la joogo. Xarun warbaahineed baa la xidhay! Hadda waa xidhitaankii waynaa! Qadhaadhaa oo culusaa, waxase garan kara uun intay damqayso. Waxbase kama oga miisaanka ay leedahay inta kaskoodu aanu dhaaddanayn iyo inta iska indho-tiraysaba.

Warbaahintu way gaftaa, waliba xadkeeda u gudubtaa si indho-la’aan ah. Wakhtiga la joogo iyaga ayaa ugu xad-gudub badan. Hadda ma xukumayo oo kama hadlayo in Wargeyska Hubaal ee la xidhay uu qaladka leeyahay iyo in kale, sababtoo ah, arrintaasi xukunkeedu waxay leedahay jid loo maro, sida sharcigu dhigayo. Waxase wax walba isku fuuqsaday ereyga XIDHITAAN. Maanka saliimka ahi wuxuu garowsan yahay in Wargeyska Hubaal aanu diyaarado dagaal iyo madaafiic ku weerarin qasriga madaxtooyada ama dawladda..Haa, waan yaqiinsanahay in madaafiic la isku weeraro ay ka adag tahay marka qofku qalinka cid gaar ah ku weeraro, hase ahaatee, taa lafteeda (Haddiiba ay jirto), ayaa sharcigu dhigayaa jid loo maro. Waxa muuqata inta masuuliyadu saaran tahay ee kala ah; masuuliyiinta qaranka iyo masuuliyiinta qalinku inaanay midkoodna si wacan u fahamsanayn (Intooda badan weeyaane), macnaha iyo qeexitaanka qorriyatul-qawl. Bal aynu si kooban u qeexno qorriyatul-qawl;

 Qorriyatul-qawlku waa ta meel ku tiirisay qorigii la sitay ee keentay in qofku qalin ku cabbiro dareenkiisa, kagana maarmo in uu qori ku sheegto cabashadiisa. Waa ta dhistay qaranka maanta jira ee aqoonsiga u taagan ee Somaliland. Xorriyatul-qawlku waa qaabkii loo maray in Madaxweynaha talada haya hadda ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu gaadho hammigiisii ahaa hoggaamiyenimo. Yaa I odhan kara, qeexitaankeedu sidaa maaha, marka laga eegayo macnaha ay ugu fadhido Somaliland?

 Ayaan-darraduse waxay tahay, masuulkii qarankuna wuxuu xorriyatul-qawlka u yaqaanaa in aan waxba laga qori karin isaga iyo inta uu raallida ka yahay – haddii laga qorana ay hay’addaasi xadhig mutaysato. Halka masuulkii qalinkuna uu u yaqaano in uu ciddii uu doono wax ka qori karo, wuxuu doonana ka sheegi karo. Ma fahamsana in xuquuqda xorriyatul-qawlku ay ku egtahay halka ay ka bilaabanto xuquuqda gaarka ah ee qofka wax laga qorayaa. Isku soo duub oo aqoon-darro baahday dheh. Waxba yaanu ila dheeraan qoraalkuye, qaladka jira ee ay sameeyaan masuuliyiinta qaranka iyo kuwa qalinku, sixitaankeeda haddii la rabo waa la garanayaa jidka loo marayo, waana loo tilmaamayaa ciddii danaynaysa, waase haddii la doonayo in wax la saxo.

 Aragtida sharci:

 Sadarada kore ugama jeedo halka aan u socday iyo in aan kaga hadlayo Wargeyska Hubaal iyo in uu dembi leeyahay iyo in kale, balse waxaan si guud u sawirayaa marxaladda maanta guud ahaan ay ku sugan yihiin Siyaasiga iyo suxufiga dalku. Aan u soo noqdo dulucdii qoraalkayga’e, gar iyo gardarraba waxa maanta saxsan oo laga gar daran yahay Wargeyska Hubaal, laba arrimood dartood;

 1-      Sifaha loo maray in la xidho xaruntaa warbaahineed oo sharciga ka hor imanaysa.

2-      Tallaabada XADHIG oo aan meelnaba kaga jirin shuruucda dalka.

 Aan marag u keeno labada sababood ee kore.  Shuruucda dalka waxa ugu sarreeya (Marka laga yimaaddo Kitaabka Quraanka ah iyo sunnaha nebiga), waa distoorka Somaliland. Muxuu ka yidhi dhawritaanka warbaahinta iyo xuquuqda qoraalka, waa tan ee bal dhugo akhriste;

 Qodobka 32aad ee dastuurku wuxuu dammaanad-qaadayaa xorriyadda iyo madax bannaanida warbaahinta iyo faafinta aragtiyaha, sida ku xusan farqadda saddexaad oo u dhigan sidan;

 ‘Saxaafadda iyo warbaahinta kaleba, waxay ka mid yihiin xorriyaadka aasaasiga ah ee rayi-dhiibashada, waxaanay leeyihiin madax-bannaanidooda. Way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo, hawshoodana xeer baa nidaaminaya.’

 Dhinaca kale, farqadaha A, B, C ee qodobka saddexaad ee xeerka warbaahinta Somaliland, waxay sidoo kale reebayaan tallaabo kasta oo ka horjeedda madax bannaanida warbaahinta, waxaanan inagaga filan faqradda B oo u dhigan sedan; ‘Saxaafadda cabudhin lagulama kici karo.’

 Xeerka warbaahinta Somaliland kaliya xuquuq ma siinayo warbaahinta iyo inta ka hawl-gasha, wuxuuse sidoo kale saarayaa waajibaad ay tahay in uu guto qofku. Sida ku xusan qodobkan 10aad, farqaddiisa 1aad oo u dhigan sidan;

 ‘Saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay xaqiijiso waxsoosaarkeeda saxaafadeed ee ay fidinayso in uu noqdo mid run ah oo dheelitiran.’

 Geesta kale, marka saxaafaddu dembi gasho ama ay xad-gudub samayso, sharciga warbaahinta Somaliland wuxuu qeexay habka loo marayo iyo shuruucda la adeegsanayo, sida ku cad farqadda lixaad ee qodobkan 10aad oo u dhigan sidan;

 ‘Saxaafadda ku xad-gudubta farqadda qodobkan, waxa loo raacayaa anshax-marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ah ee falkoodu khuseeyo.’

Meelnaba sharciga kagama jirto waa la xidhayaa iyo albaabbada ha loo laabo – haddaan cid kale iska jeclaan inay ku qaaddo Xeerka ciqaabta guud IWM. Qofka u mara in uu adeegsado xeer kale, amar qof kaliya ama awaamiir dad jamac ahi ay soo bixiyeen, waxa sharcigu ku tilmaamayaa waxba-kama-jiraan. Tallaabo kasta oo ka dhalatana, waxay noqonaysaa mid sharciga baal marsan.

 Waayihii dorraad iyo walaacii mucaaradkii wakhtigaa:

Haddaba, akhriste si aynu u milicsanno waayihii shalay iyo wixii la soo maray inyar oo ka mid ah, aynu dhugano qoraalkan hoose;

 Taariikhdu waxay ahayd 09 February 2005, guddoomiyihii xisbigii mucaaradka ahaa ee wakhtigaas, ahna madaxweynaha maanta ee JSL Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay Ingiriiska, waxaanu ka soo degay Hargeysa. Shir-jaraa’id oo uu gurigiisa ku qabtay wuxuu kaga hadlay arrimo door ahaa oo wakhtigaa taagnaa. Waxa ugu mudnaa xadhigga afar suxufi oo ka tirsanaa Wargeyska Haatuf oo xukuumaddii wakhtigaas ee Daahir Rayaale xabsiga u taxaabtay. Akhriste, si wacan u dhugo ereyada uu wakhtigaas Md. Siilaanyo ku cabbiray xadhigga suxufiyiiintaas;

 “Taas (xadhigga suxufiyiinta) oo aan hubo inay ceeb wayn ku tahay geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dadnimadeena iyo qaranimadeenaba, inaga oo maanta higsanayna oo dunida u bandhigayna oo ku faanayna inaynu nahay qaran madax bannaan oo doonaya inay dunidu ictiraafto oo doonaya inaynu dunida u bandhigno waxaynu qabsanay, geeddi-socodka dimuqraadiyadda, xurmaynta aynu xurmaynayno sharafka uu qofku leeyahay, madax-bannaanida saxaafadda, qorriyatul-qawlka, sharciyadda iyo distoorka, inaynu maanta talaabooyin noocaas ah qaadno, waxaan u arkaa inay aad iyo aad inoo waxyeelayso indhaha caalamka!”

 Md. Siilaanyo oo sidoo kale ka hadlay arrimo kale oo uu ku eedaynayay xukuumaddii wakhtigaas, waxa uu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay wakhtigaa uu shirka-jaraa’id qabanayay;

 “Waxyaabahaas oo dhami waxay wada muujinayaan dhammaantood, dalku maanta halka uu marayo iyo hadlkaa aynu higsanayno ee qaranimadeena aynu ka raadinaynaa inaanay wax isleh ahayn.”

 Haddaba, isweydiintu waxay tahay, haddiiba markaa isaga oo mucaarad ah uu Md. Siilaanyo sida muggaa leh u cambaaraynayay xadhig suxufi, sidee ayay maanta u suurtogashay in isaga oo Madaxweyne dalka ah la xidho Wargeys dhan oo albaabada loo laabo? Indhihii caalamka ee wakhtigaa ina eegayay, miyay inaga jeesteen maanta? Aqoonsigii aynu doonaynay ee xadhigga suxufigu carqaladda ku ahaa, miyaynu ka maaranay maanta? Mise waxaynu nidhaahnaa, Md. Axmed-Siilaanyo hadalkuu uu wakhtigaa ku soo gebogebeeyay ee ahaa in aanay islahayn halkaynu u socono iyo waxa dalka ka dhacayaa, ayaa maanta taagan oo uu madaxweyne ka yahay?

 Gebogebo:

 Isku soo duub, khalad kasta oo ay warbaahintu gasho waxa jira habab loo maro, sidaynu soo sheegnay. Waxa kale oo jira xal loo hayo si ay meesha uga baxdo khilaafka iyo is-haysiga joogtada ah ee Xukuumadda iyo warbaahintu. Hase ahaatee, wuxuu caqliga saliimka ahi arkayaa in xadhig iyo cabudhin aanay ahayn xalka dhibta taagan. Haddii inta fikirka cabudhinta ahi in uu xal yahay aaminsan ee arkaya uun khaladka ay warbaahintu gelayso ee ay iyaga laftoodu ay qaybta ka yihiin, ay ku adkaystaan falalka cabudhinta ahna, waxa qalinka iyo inta u ehelka ahi ay ku qancinayaan tuducan ka midka ahaa maansadii Daalalley ee Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi);

 Ma didee hargooloow,

Ha igu tumin durbaannada,

Iyo daasadaha madhan.

 Sababtoo ah, cabudhintu xal maaha, hore ayaa loogu dabri lahaa. Ha loo soo noqdo xalka, ha lagana raadiyo halkuu yaallo oo ah cidda dantu ka dhaxayso ee masuuliyiinta qaranka iyo masuuliyiinta qalinka ah.

Barkhad M. Kaariye

Email: kaariye104@gmail.com

Blog:  www.kaariye.blogspot.com