Dhaboolaq: Dhismaha Shan Ceel-biyood oo la dhagax-dhigay

Hargeysa (SLpost)- Deegaanka Dhaboolaq ee gobolka Maroodijeex ayaa laga dhagax dhigay shan ceel biyood oo deegaankaas laga qodi doono.

Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ah culimadda waaweyn ee Somaliland, isla markaana loo soo wakiishay qoditaanka ceelashan oo ka hadlay ceelashan iyo cidda soo bixisay kharashka qodaalka iyo Dhismaha, ayaa sheegay in ay ceelashan usoo wakiisheen dad Muxsiniin ah oo ceelashan u waqfiyey waalidiintood iyo qoysaskooda.

Sheekh Aadan Siiro ayaa u duceeyey dadka ceelashan sida waqafka ah uga qodaaya deegaanka Dhaboolaq ee gobolka Maroodijeex,isaga oo sidoo kalena kula dardaarmay dadka deegaanka Dhaboolaq in ay ceelashan ilaaliyaan, isla markaana dad iyo duunyoba aanay ka hor joogsan ka munaafacaadsigooda.

Guddoomiyaha Deegaanka Dhaboolaq iyo dadka deegaankas oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadka ku deeqay Waqfiga ceelasha.

Somalilandpost.net