DEGDEG: Taliyihii Ciidamada Birmadka Berbera oo La Dilay iyo Gadood Shacab oo ka Dhashay

Berbera(SLpost)-Alle haw naxariiste waxa geeriyooday taliyihii ciidanka Birmadka ee Booliska gobalka Saaxil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo uu rasaas ku furey mid ka mid ah askartii xalay heeganka kaga jirtay saldhiga Berbera oo ay saaka ka socotay xil wareejin xilka loogu kala wareejinayay laba sarkaal oo Boolis ahi gobolka Saaxil ka wada tirsanaa.

Askariga dilka gaystay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Saleebaan kheyre ayaa shan xabadood ku dhuftay Taliyaha isagoo Taliyuhu saaran gaadhigiisa oo taagan barxada hore ee saldhiga Berbera. Rasaasta uu ku furay ayaa sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydkiisa la geeyay cisbitaalka Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

Askarigii dilka gaystay ayay ciidamada amaanka gobolka Saaxil gacanta ku dhigeen. Xil wareejintii ayaa noqotay mid qasantay, waxaana xarunta saldhiga hortiisa ka bilaabmay mudaharaad ay samaynayeen ehelada sarkaalka geeriyooday oo dalbanaya inaan maydka la aasin.

Wali ma cadda sababta dhalisay dilka Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Saaxil,waxaana saldhiga hortiisa ka bilaabmay mudaharaad lagag soo horjeedo in la aaso maydka taliyaha la dilay.

Alle haw naxariisto Marxuum Talaabo, maaha taliyihii u horeeyay ee ay askarta ciidamada Somaliland dilaan. Sannadkan 2015-ka ayaa  noqonaya kii ugu dhimashada badnaa saraakiisha ciidamada oo ay dilayaan askar ka tirsan ciidankooda.

Somalilandpost.net

Berbera, Somaliland