Deg-deg: Wariyihii Telefishanka Universal ee Magaaalada Lascaanood oo Caawa la dilay

Laascaanood (SLpost)- Waxaa caawa lagu dilay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,Wariyihii Telefishanka Universal uga soo warramayey magaaladaas.

Wariyaha oo lagu magacaabo Axmed-Saakin, ayaa la sheegay in la dilay xilli uu sii geliyey gurigiisa ka degganyahay magaalada Laascaanood, illaa haddana ma jirto cid loo qabtay dilka Wariyaha la dilay.

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanu ay isla markiiba gaadheen goobta dilka loogu geystay wariyaha.

Wariyaha la dilay ayaa dhawaan ka hawl-galay xafiiska wararka telefishanka Universal ee magaalada Laascaanood, waxaanu beddelay wariyihii hore ee telefishanka uga soo warramayay magaaladaas Cabdiqani Gadari oo Kooxda Khaatumo ugu hanjabtay inay dilayaan waxaanay wakhtigaas ku yabooheen xaddi lacageed oo dilkiisa lagu fulinayo.

Somalilandpost.net