Deg-deg u Ansixintii Golaha, Dooddii Mucaaradka, Dabuubta Xildhibaannada iyo Jewigii Maanta ( Warbixin)

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen maanta ku ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah todobada xubnood ee guddida doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la soo magacaabay.

Fadhiga Golaha Wakiiladu ay ku ansixiyeen xubnahan Guddidan Doorashada Somaliland ayaa waxa ka soo xaadiray 65 xildhibaan, waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Waxaanay xildhibaanada fadhigaasi ka soo qaybay ay mid mid u anisixiyeen lixdaasi xubnood ee guddida Doorashooyinka Somaliland.

https://youtu.be/qmAmKRYxOWA