Deg-deg: Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool oo Caawa lagu Dilay Gudaha magaalada Laascaanood

 

Laascaanood (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa caawa fiidkii gudaha magaalada Laascaanood lagu dilay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gobolka Sool Cabdiqani Guhaad Xasan xilli uu ku sugnaa gurigiisii hortiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta gobolka iyo kuwa dawladda oo la xihdiidha xilka Sarkaalkan, haseyeeshee, xogaha aanu ka helnay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in abbaaro Sagaal Fiidnimo ee Caawa koox Dabley ah oo aan la aqoonsan Maarxuumka ku toogteen xilli uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay magaalada Laascaanood, gacan-ku-dhiiglayaasha falkan ka geystay, ayaa la sheegay inay isla markiiba ka baxsadeen goobta oo ay markii dambe soo gaadheen Ciidamada Booliska ee magaalada Laascaanood.

Lama oga sababta dhab ah ee ka dambaysa dilka Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Sirdoonka dalka, haseyeeshee, waxa inta badan magaalada Laascaanood ka dhaca dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta dowladda ee ka hawl-gala gobolka Sool.

Waxay ahayd 2-dii Bishan March, markii sidan oo kale gudaha magaalada Lascaanood dil qorsheysan lagu khaarajiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud Cumar oo walxaha qarxa loogu rakibay baabuurkii uu watay xilli uu ku sugnaa barxadda hore ee Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha…………………