Deyrka dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa wajahadiisa dembe ee Waqooyi u jeedda ayaa roobkii waynaa Isniintii (25-kii Bishan) da’ay dumiyey qiyaas ahaan 13 Mitir oo ballac ah iyo 4 mitir oo dherer ah.
Muddada Saddexda Cisho ahayd ee uu dunsanaa deyrku waxa ay tahli kari weydey xukuumadda Madexwayne Siilaanyo inay dhisto Iyado goobta dunsan ay u dhow yihiin Qaybtii dhimirka ee dadka maskaxda wax ka qabaa ku xaraysan yihiin. Taasina waxa ay sahashay inay ka baxsadaan goobtan Dunsan Bukaanka ku jira cusbitaalka qaybtiisa dhimirku, madaama oo ay ilaaladu ka celiso albaabka hore. Haddaba Dhakhterka wayn ee magaalada Hargeysa oo ka mida dhismayaasha Duugga ah ee Dawladihii kala dembeeyey ee Soomaaliya iyo Somaliland ka dhaxleen mustacmarkii dowladi Ingiriiska oo dhistey sanadihii dhowr iyo kontankii ayaaney mar kaliya dayactir ku samayn labaatan kii sano ee u danbeeyay sidoo kale dawladan Deyrka dhagax yada badan ku faanta ee wax qabadka ku sheegta aaney xil iska saarin inay qurxiso ama dayac tirto dayrka dhakhtarka waynee magaalada Hargeysa oo waxtar u leh Dadweynaha Somaliland oo dhan.
Iyadoo uu haddaba shaqeeyo mishiinka kalyaha lagu sifeeyo oo dad badan oo reer Somaliland ah dib looga soo celiyey wadamada imaaraadka carabta iyo kuwo kale. Sido kale waddamada aynu Jaarka nahey ayaa laga keena bukaan ka loogana faa’iideeyay.
Dhinaca kale, Toddobaadkii ugu danbeyeey waxa Cusbitaalka Wayn buux dhaafiyey Bukaan jiifkii oo Dadkii xanuunsanayey wadhaadhkii ka buuxsameen waxaana la dhigey qolkii Emergency ama Gargaarka deg-degga ah.