Dayac-tirka Burburkii soo gaadhay Nuuradiin Secondary School oo la bilaabay iyo Arday Is-xilqaantay oo ka qayb-qaadaysa

 

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Dugsiyada Nuuradiin, ayaa maanta bilaabay hawl-gal dib-u-dhis iyo Dayac-tir ah oo ay ku sameynayaan Dugsiga Sare ee Wiilasha oo toddobaadkii hore khasaare baaxad leh ka soo gaadhay bannaan-bax ay sameeyeen ardayda wax ka barata dugsigaas.

Hawl-wadeenno ku Shaqaysata Xirfadda Wastaadnimada iyo Nijaarnimada oo loo hawsha dib-u-dhiska iyo dayac-tirka dugsiga loo diray, waxa ku wehelinaya qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Nuuraadiin oo Is-xil-qaamay, kuwaas oo shaqaalaha hawshan loo diray ka caawinaya hawsha dib-u-dhiska.

Advertisement

Qaar ka mid ah Warbaahinta maxalliga ah oo maanta booqasho ku tagay Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybta Wiilasha, waxa la hadlay qaar ka mid ah ardayda oo ka warbixiyey hawsha dugsiga ka socota, waxaanay sheegeen inay isu-xil-qaameen sidii ay u sixi lahaayeen qalad ay sameeyeen ardaydii ay dugsiga ku wada-jireen.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Waxa kale oo saxaafadda la hadlay maamulaha Dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa wiilasha Cabdiraxmaan Maxamed Cali Samir, waxaanu sharraxaad ka bixiyey qaabka ay maanta u bilaabeen hawsha dayac-tirka ee Dugsiga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On