Dawladda Soomaaliya oo Amar ku Bixisay in la Xidho illaa 35-Website

Muqdishu(SLpost)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Soomaaliya ayaa lagu amray wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiintu in ay xidho 35 Website oo afka Soomaaliga lagu qoro.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha xeer ilaaliyaha Dr Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan ayaa si gaar ah loogu cuskaday shabakada Waagacusub.com, iyadoo uu ku eedeeyay kusimaha xeer ilaaliyaha in uu ku kacay falal anshax xumo la xidhiidha oo uu kula kacay madaxda dalka iyo shaqsiyaad bulshada ku dhex leh sumcad iyo sharaf.

Shabakadaha la amray in la xabino ayaan ku jirin kuwa si gaar ah u taageera ururka Alshabaab ee dowlada ka soo horjeeda.

Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliya wali kama hadal amarkan kaga yimid xeer ilaalinta guud ee dalka Somaliya.

Halkan ka akhriso Amarka ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka

xer-1 xer-2