Dawladda Somaliya Oo Maanta Ka Shiraysa Go’aanka Ay Somaliland Ka Soo Saartay Arrimaha Socdaalka

Hargeysa(SLpst)-Golaha wasiirada ee dawladda Somaliya ayaa maanta ka shiraya go’aanka ay dawladda Somaliland toddobaadkan ka soo saartay isu socodka Somaliland iyo Somaliya, kaas oo lagu sameeyay wax ka bedel balaadhan.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in shirka golaha wasiirada dawladda Somaliya la filayo in maanta lagaga hadlo go’aanka ay dawladda Somaliland gaadhay, kaas oo ay aaminsanyihiin inuu yahay go’aan siyaasadeed oo loola jeedo dawladooda Muqdisho, halka ay dawladda Somaliland sheegtay inay go’aankaas ku salaysay danaheeda amni.

Lama garanayo in dawladda Somaliya ay si toos ah uga jawaabi doonto go’aanka isu socod ee Somaliland soo saartay iyo inay si kale uga jawaabi doonto, laakiin go’aanka Somaliland ayaa noqday mawduuc dhawrkii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga hadal hayay magaalada Muqdisho.

XigashO Geeska Afrika