Dawladda Somaliland Oo Hirgelinaysa Bangi Ganacsi Oo U Shaqeeya Sida Kuwa Gaarka Loo Leeyahay

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quulle

Hargeysa (SLpost) – Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu hirgelinayo Bangi Ganacsi oo uu u shaqeeya sida kuwa gaarka ah loo leeyahay.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Mukhtaar Cabdi Quule oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu Baanku ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay Ia la jajabinayo xeerka uu ku aasaasan yahay Baanka dhexe, si loo fuliyo waxyaabaha uu waajibanayo, kuwaasi oo uu ka mid yahay in Baanku uu aasaaso Bangi Ganacsi oo Dawladdu leedahay isla-markaana u shaqeeya sida Baananka Ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Agaasime Quulle wuxuu sheegay in sababta uu Baanka dhexe u qaatay siyaasadda ah in la aasaaso Bangi Ganacsi ay tahay inuu ka qayb-qaato kobcinta dhaqaalaha iyo in Laamaha Dawladda ee Qaabilsan Maamulka Maaliyaddu ka qayb-qaataan tartanka Ganacsiga ee ku xidhan Baananka Ganacsiga.

Agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee Somaliland Mudane Mukhtaar Cabdi Quulle oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Xeerka uu ku aasaasan yahay Bangiga dhexe ee Somaliland, waa la kala jajajabin doonaa, waxaana la kala saarayaa Waajibaadyada Baanka dhexe iyo waajibaadyada Baanka Ganacsiga, waxaana gaar loo saari doonaa wax Allaale iyo wixii ku saabsan Ganacsi iyo shaqooyin Ganacsi, markaa waxa sannadkan bilaabmay horraantiisa la soo bandhigi doonaa aasaaska Bangiga Ganacsiga Qaranka Somaliland”.

Agaasimuhu wuxuu sheegay oo uu intaa ku daray “Waxay noqonaysaa markii koowaad ee la aasaaso Bangiga Ganacsiga Qaranka JSL ee gaar loo saaro,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa la abuuri doonaa Bangi Ganacsi oo Bangiga dhexe ka Madax-banaan, kaasi oo u shaqayn doona sida Bangiyada Ganacsiga ee Madaxa-banaan, liisankana ka qaata Baanka dhexe, sidaana Qaranka ugu shaqayn doona, dhaqaalahana kobcin doona,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud oo hadalkan ka sheegay Kulan lagu soo bandhigay Daahfurka Qorshe-hawleedka Baanka Dhexe ku shaqaynayo Saddexda Sanno ee soo socda.

https://youtu.be/8vWqOH2Nh68

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net