Dawladda Kenya oo Sheegtay in aaney Ciidankeeda kala baxaayn Soomaaliya

Kenya(SLPOST)Dawladda Kenya ayaa sheegtay in qorshaha iminka aaney ugu jirin in Ciidankeeda kala baxdo dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihin.

omamo

Wasiirka Difaaca ee Kenya haweenayda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sheegtay in sanadka 2014-ka uu yahay kii lagu soo afjarayay Ururka xagjirka ah ee al-Shabaab oo ka taliya qaybo yar oo ka tirsan Soomaaliya.

‘’ Waqtigaan ma ahaan kii laga wada hadli lahaa soo saarista Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya, waa waqtigii la dardar gelin lahaa howlgalada milateri. Waa waqtigii la burburin lahaa argagixiisada joogata Soomaaliya oo nabadgalyo xumo abuuraysa,’’ ayay tidhi.

Wasiirka Difaaca ayaa intaas raacisay in markii hore Soomaaliya u galeen kadib markii argagixiisada ay khatar ku noqdeen amaanka dalkeeda, waa sida sheegtay.

Tan iyo markii Ciidanka Kenya galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii waxaa sii xumaanyay amniga Kenya, iyadoo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland