Dawladda Itoobiya oo sheegtay inay weyday Caddeymo muujinaya Malleeshiyo-beeleedyo Suldaan Wabar ku urursanayo gudaha Dalkeeda

HARGEYSA (SLpost)- Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa sheegtay inaanay jirin caddeymo muujinaya Ciidan-beeleedyo la sheegay inuu gudaha dalka Itoobiya ku urursanayo Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo ka tirsan madax-dhaqameedka gobolka Awdal, kaas oo dhowaan ku dhawaaqay hadallo uu ka soo horjeedo qaddiyadda iyo midnimada Somaliland.

Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiyada Somaliland Brig. Gen. Behre Tesfaye, ayaa sheegay in dalkiisu waayey caddeymo muujinaya maleeshiyo-beeleedyo la sheegay inuu Suldaan Wabar ku urursanayo gudaha dalkooda, isaga oo sheegay inay dusha kala Socdaan halka uu sugan yahay wakhtigan.

Berhaye TesfayeMr. Tesfaye oo waraysi dhinacyo badan siiyey shabakadda Somalilandsun shalay, waxa uu ka hadlay mowqifka dawladda Itoobiya ee ku aaddan khilaafaadka iyo dhacdooyinka ka dhasha qabaa’ilka ku dhaqan Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdada lala xidhiidhiyey Suldaanka Wabar iyo taageero Cali Khaliif ka helay gudaha dalka Itoobiya oo uu u baxsaday ka dib isku-dhacyo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo malleeshiyo-beeleed uu ku urursaday tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool.

Waraysiga oo Danjire Berhaye arrimo kala duwan kaga hadlay oo qayb” ka mid ah aanu caddadka maanta idinku soo gudbinayno, ayaa mar uu ka jawaabeyey Su’aal u dhignay ‘Waa maxay siyaasada Itoobiya ee ku aadan inaan dembiilayaasha Somaliland gabood ka dhigan xuduudkooda, gaar ahaan dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida kiiska Cali Khaliif?’ waxa uu ku jawaabay, “Ugu horeyn, waxaan jecelahay inaan fahamsiiyo dad badan siyaasadda Itoobiya, inaanay marnaba ogolayn in shaqsi, koox ama wadan uu xasilooni-daro ka abuuro Somaliland gudaha xuduudaheeda, ama meel kale, iska daa inay gabood ka dhigtaan dalkayagee.

Laakiin, sidaad la socoto, arrinta Khaatumo waa mid fahamkeedu adag yahay, sababtoo ah dadka Dhulbahante labada dhinac way ku nool yihiin, isu-socodkooda xadkuna waa joogto. Sidoo kale, waxa jira xidhiidhka qabaa’il ee u dhexeeya dadka degan Kililka shanaad ee Itoobiya, oo mushkiladaha ay abuurto aan si weyn loo fahmin,” ayuu yidhi Danjire Berhaye.

“Xaqiiqdii, waan xalinaynaa mushkiladaha xidhiidhkaa qabaa’il ee u dhexeeya killilka shanaad keeneen sida kiiska Cali Khaliif iyo ta u dambasay ee suldaanka Gadabuursi ee khilaafka ka buuray gobolka Awdal, una baxsaday Jigjiga oo qaraabadiisu joogaan.

Hadafkayagu waa inaan nabadgelyo iyo xasilooni ku wada noolaano jaarkayaga, sida Somaliland, waan baadhnay kiiska suldaanka Awdal oo la sheegay inuu ciidan-beeleedyo ku ururinayo xadkayaga, balse wax raadad sidaa muujinaya maanu helin.”

Berhaye Tesfaye waxa kale oo uu ka hadlay go’aakii dawladda Itoobiya ku mastaafurisay Cali Khaliif Galeydh, waxaanu yidhi, “Ta Cali Khaliif, xukuumadda Itoobiya way ka musaafurisay dalkeeda, ka dib markii xukuumadda Somaliland na soo gaadhsiisay inuu Galaydh joogo Addis Ababa. Aan ku celiyo caddeynteeda, waxaa naga go’an taageerida sidii xasiloonida gudaha Somaliland u sugnaan lahaayeen, iyo xuduuda Itoobiya la wadaagto, markaa dembiile kasta sidaa ha ogsoonaado.”

SOMALILANDPOST.NET