Dawladda Itoobiya Oo Shaacisay Caddadka Gaasta Dabiiciga ah ee Laga Helay Degaanka Soomaalida

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay in gaaska dabiiciga ah ee laga helay degaanka Soomaalida uu ka badan yahay qiyaastii hore looga haystay, iyadoo wakhti xaadirkan gaaska dabiiciga ah ee laga helay dowlad degaanka Soomaalida uu dhan yahay 7 Trillion Cubic Feet (7TCF).

Qiyaasta hadda la shaaciyay ayaa waxaa laga helay saddex goobood oo kala duwan oo degaanka Soomaalida ah sida Kaalub, Hilala iyo Jeexdin, sida uu sheegay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Itoobiya Eng.Tekele Umma.

Saami qaybsiga khayraadka degaanka Soomaalida oo weli aan si toos ah loo xadayn, ayay dowladda dhexe ee Itoobiya waxa ay go’aamisay in boqolkiiba 50 uu lahaado dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale ay gaar wax ugu yeelanayaan shacabka deggan goobta sida gaarka ah shidaalka looga soo saarayo.

Arrimaha shidaalka ee degaanka Soomaalida oo marxalado kala duwan soo maray, ayaa haatan dowladda dhexe ee Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday cabbirka rasmiga ah ee Shidaalka laga helay dowlad degaanka Soomaalida.

1920-kii ayay ahayd markii u horreysay ee gaas dabiici ah laga helo dowlad degaanka Soomaalida, xilligaas ilaa maanta oo kolba heer uu soo marayay marxaladaha gaaskan dabiiciga ah, waxaa haatan gacanta ku haysa Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, inkastoo wararka qaar sheegayaan in Shirkadani ayna sii wadayn howlaha Shidaalka ee degaanka Soomaalida sababo la xidhiidha inay ka soo bixi wayday shirkaddu qaybo ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyay.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii saddexaad ee sannadkan dib heshiis ula gashay Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo LCAI, Shirkaddan dambe waa ta soo heshay cabbirkan dambe ee shidaalka uu leeyahay dowlad degaanka Soomaalida.
Gaaskan dabiiciga ah ee degaanka Soomaalida laga helay, ayaa ka mid ah khayraadka aan weli laga faa’iidaysan ee degaanku hodanka ku yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net