Dawladda Djibouti oo Saanad-milatari iyo Ciidamo leh ku biirisay Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya

Beledweyne (SLpost)- Qalab-Millateri oo hordhac u ah qayb labaad oo Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ah, kuwaasoo ka mid noqonaya Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya jooga, ayaa Jimcihii shalay gaadhay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay Ciidammo hore ka joogeen dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qalabkan Millateri oo u badan Gadiid kuwa dagaalka ah, waxaa ku qaabilay xarunta AMISOM ee gobolka Hiiraan, Maamulka gobolka iyo Saraakiisha Ciidammada Midowgga Afrika ee ka kala socda dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.

BAABUURTA GAASHAAMAN EE JABUUTI AMISOMGuddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo markii ay qaabilay Ciidammadaas oo Saxaafadda kula hadlay Taliska AMISOM ee Baladweyne, ayaa sheegay in ka Maamul ahaan ay soo dhaweynayaan Ciidammada dheeraadka ah ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ku biiri doona Ciidammadii hore u sii joogay gobolkaas.

”Aad baan ugu faraxsanahay Ciidammada kusoo biiraya hawlgalka AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo qeyb weyn ka qaadan doona hawlgalka guud ahaan ka soconaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ee Argaggixisada lagula dagaallamayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Taliyaha Ciidammada dawladda Jabuuti ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee gobolkaas ku sugan Col. Cismaan Dubbad, ayaa sheegay in Qalabka Millitari ay hor-dhac u yihiin Ciidammo ka socda Jabuuti oo intooda badan la filayo inay maalinta Sabtida oo maanta ku beegan gaadhaan gobolka.

”Dabcan waxa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin joogitaanka Ciidammada ka socda Jabuuti, laakiin dhinaca kale waxaa ka naxaya arrintaa cadawga oo aan oggoleyn in dhibaatada maanta jirta laga baxo.”

Tirada Ciidammada dheeraadka ah ee la filayo in ay ku soo biiraan hawlgalka AMISOM ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu sheegay in ay gaadhayaan 1000 (Kun) Askari oo dhammaantood ka socda dalka Jabuuti. Waxaana hore Jabuuti uga joogay gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalka Soomaaliya illaa 1000 Askari, kuwaasoo ka hawlgala magaalada Beledweyne iyo degmada Buula-burte oo sannadkii hore lagala wareegay Kooxda Al-shabaab.