Dawladda Denmark oo madaxweyne Siilaanyo kala hadashay Suurto-galinta Doorashooyin Xilligooda ku qabsooma, Kordhinta Taageeradeeda Dhaqaale iyo Qodobbo kale

Nuxurka Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Denmark u fadhiya Nairobi Ambassador Geert Aagaard Andersen 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Denmark u fadhiya Nairobi ee dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo maanta booqasho ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa madaxtooyada Somaliland kula kulmay Danjire Geert Aagaard, waxaanay ka wada-hadleen arrimo khuseeya sii-xoojinta kaalmada dhaqaale ee dawladda Denmark ka taageerto Somaliland dhinacyada doorashooyinka, horumarinta adeegyada bulshada iyo nabadgelyada.

DSC_0093Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada-hadleen sidii ay dawladda Denmark kaalin uga qaadan lahayn wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya. Sidoo kale, dawladda Denmark, waxa ay sheegtay inay kordhinayso mucaawooyinka ay siiso Somaliland ee dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada iyo xaddiga dhaqaale ee dalkaasi ku leeyahya Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Kulankaasi markii uu dhammaaday, waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey nuxurka qodobbada laga wada-hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjire Geert Aagaard Andersen oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Madaxtooyada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

HALKAN KA DHEGAYSO SU’AALAHA LA WEYDIIYEY WASIIRKA

mobile

SOMALILANDPOST.NET