Dawlada Liibiya Oo Caasimada Tagtay iyo Maleeshiyaadka Maamula Ugu Baaqay Inay Baxaan Ama Isasoo Dhiiban

Liibiya(Slpost)-Xubno ka tirsan dowladda cusub ee Libya ee ay taageerayso Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare Fayez Sarraj, ayaa yimid magaalo madaxda Libya ee Tripoli. Waxay mucaardo xoogan kala kulmeen maamulayaasha magaalada oo dalbaday in ay magaalada ka baxaaan ama ay isi soo dhiibaan.

Waxa ay sheegeen in ay sharci darro ah hayd in Ra’iisal wasaare Fayez Sarraj iyo waftigiisa ay ka soo dagaan garoonka ciidamada badda.

Qaramada Midoobay ayaa rajaynaysa in xukuumada ay nabadayso waddanka, oo ay fududayso in wax laga qabto mintidiinta IS oo saldhig ka dhigtay waddanka dagaal sokeeye oo ka socda awgeed.

Maalmihii ugu danbeeyay wakiilada ka socda dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay ayaainay laba laba mar ku guul daraystay inay u soo duulaan Tripoli.

Hadda waxay ku imaadeen doon ay kaga imaadeen Tunisia ,waxayna ku soo dageen saldhig ciidanka badda.