Dawlada Ciraaq Oo Baqdin Ay Ka Qabto Daacish Magaalada Caasimada Ah Ee Baqdaad Ku Wareejinaysa Darbi

Ciraaq(SLpost)-Dowladda Ciraaq ayaa bilowday inay dhisto darbi ay ku soo wareejinayso magaalo madaxda Baqdad, si ay ammaanka u sugto. Ujeedada darbiga ayaa ah si looga hortago kooxda IS inay weerar ku qaadaan magaalada.

160203160423_baghdad_wall_640x360_afpgetty_nocredit

Darbiga ayaa yarayn doona meelaha magaalada laga soo galo wuxuuna fududayn doonaa in la baaro baabuurta.

Mintitiinta IS ayaa mar walba weerara Baqdaad, bishii hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan siddeed iyo toban qof weerar lagu qaaday xarun dukaamo.