DAWGA-CAD: Qurba-joog Indhahooda Ku Arkay Buuraley loo Beddelay Jid Laami ah, Dareenka ay ka celiyeen iyo Baaq ay jeediyeen

Hargeysa (SLpost)- Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa Khamiistii doraad goobta dhismaha jidkaasi ka socdo iyo heerka uu marayo ku soo dhaweeyay kontomeeyo ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland ee dalka fasaxa ku jooga.

Dawga 2Qurbo-jooga lagu soo dhaweeyey dhismaha Jidka Dawga-cad oo dayactir lagu samaynayo meelaha qaarkood oo roobabkii dhawaan da’ay waxyeello u geysteen isla-markaana meelaha qaarkood la ballaadhinayo, ayaa indhahooda ku soo arkay dhismaha jidkaasi laamiga ah ee Dawga-cad, iyaga oo ka marag ka kacay in guddida hawshaasi gacanta ku haysaa ay dedaal weyn sameeyeen.

Xubnaha qurba-joogga reer Somaliland oo u badnaa qurba-joogga deegaanka jidkaasi maro u dhashay isla-markaana gacan ka geystay dhaqaalaha lagu dhisay Waddada Dawga-cad oo isku xidheysa Hargeysa iyo dalka Jabuuti, ayaa ammaanay dedaalka Guddida gacanta ku haysa, waxayna ugu baaqeen shacabka reer Somaliland, gaar ahaan masuuliyiinta xilalka ka haya dawladda Somaliland ee ka soo jeeda deegaanka Waqooyiga Hargeysa inay kaalintooda soo buuxiyaan oo ay gacan ka geystaan dedaalka jidka lagu dhamaystirayo.

Dawga 1Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo isaga iyo xubnaha guddidiisu ay qurba-joogta ku soo dhaweeyeen goobaha hawshu ka socoto, ayaa yidhi, “Waxaanu maanta (shalay) aanu Dawga-cad ku soo dhaweynaynaa qurba-joogayaga qaaliga ah ee Magaalada Hargeysa ku jooga fasaxa, si ay u arkaan waxa lagu qabtay lacagtii ay soo diri jireen iyo waxa la qabanayo, si ay noo qiimeeyaan, annaga oo mustaqbalka ka filayna inay dedaalka sii badiyaan, haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo ka mid ah guddida gacanta ku haysa dhismaha jidkaasi, ayaa qurba-jooga u sharaxay ballaadhin meelo jidkaasi ka mid ah lagu samaynayo. “Waxaanu maanta (Khamiistii) bilownay inaanu ballaadhino meelihii baabuurta waaweyn dhibka ku ahaa ee ay gooladaha ku lahayd, halkanna waxa jooga cagafyadii buurta jabinayey iyo tii qaadeysay, kuwaasi oo uu noogu tabarucay Maxamed Aw Siciid Geeddi, aad-baanu u mahadsan yahay,” ayuu yidhi, Eng. Axmed Warsame Siciid, waxaanu intaasi ku daray, “Waxa lana socda dad badan oo ka mid ah qurba-joog ah oo jeclaystay inay indhahooda ku arkaan Waddada wixii laga qabtay, annaga oo sii wadeyna (Dhismaha Jidka).”

Dawga 4Xildhibaan Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Qurba joogta, waxaanu uga mahad-naqeynaa sida ay uga qayb-qaateen dhismaha Dawga-cad ee ay dhaqaalaha iyo naftoodaba ugu hureen, imikana ay goob-joogga u yihiin, anigoo u mahad-naqaya shirkadda Somcable iyo guddida Dawga-cad, waxaan leeyahay dadka reer Hargeysa haka qayb-qaataan dhismaha waddada Dawga-cad, gacmana wada jirbay wax ku gooyaan, inta cid gaar ah wax lagu eegayana waxba inooma qabsoomayaan, waxaanu ka codsanaynaa gacansatada reer Hargeysa, inay dadkooda wax u qabtaan oo ay sida Maxamed Aw Siciid oo kale dedaalaan.”

Cambaro, oo ka mid ahayd haweenkii bilaabay waddadan isla-markaana ilaa hadda dedaal ugu jirta inay hirgasho ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay, waxaanay tidhi, “Halkan aanu taaganahay waa halkii ay toddobada qof ku dhinteen markii gaadhigu kula dhacay (buuraley loo bedalay Laami), maantana waataa laamayda laga dhigay.”

Maxamuud Daahir Siciid, oo ka mid ah qurba-joogta halkaasi kormeerka ku soo maray, ayaa isaguna sheegay, “Aad iyo aad-baan ugu faraxsanahay hawsha weyn ee laga qabtay waddadan, ILAAHAY-baana mahad leh, dadka deegaanka iyo Guddida hawshan waddaa aad-bay u dedaaleen, waayo meeshani waa meel buuro ah oo aad iyo aad u adag, waxayna qabteen wixii dawladuhu qaban jireen,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan leeyahay, wasiirrada deegaanka ka soo jeeda inay yimaadaan oo ay ka qayb-qaataan, xildhibaannada laga soo doortay deegaankana waxaan odhan lahaa waa inaad ka qayb-qaadataan..”

Maxamuud Daahir, waxa kale oo uu sheegay, “Aad-baanu ugu mahad-naqeynaa shirkadda Somcable oo ku tabarucay cagayada lagu ballaadhinayo, guddida dhismaha jidka iyo dhammaan jaaliyadaha dibadda ee ka qayb-qaatay, tabarucaadkuna wuu soconayaa,” ayuu yidhi.

Maxamed Iimaan Xasan, oo isaguna ka mid ah qurba-joogta, ayaa sheegay in aanay fari ka qodneyn dhismaha jidkaasi isla-markaana loo baahan in weli laga sii qayb-qaato, waxaanu yidhi, “Waxaan maqli jiray fari kama qodna faanoole, ciddii ka qayb-gashay, ciddii wax ka qabatay waxaan u sheegayaa in hawshu sii laba laabantay oo dhulkii adkaa loo galay, markaa intii hore uga qayb-qaadateyna ILAAHAY haka Jisaa’I siiyo, inta kalena waxaan leeyahay sidaa iyo si la mid ah ha looga qayb-qaato.”

Ciise Maxamuud Caydiid, oo isaguna ka mid ah qurba-joogta ka timi Ingiriiska, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay, “Waxaanu halkan (Dawga-cad) ku aragnay wax aad iyo aad nooga yaabiyey, waxaanu aragnay in lacagtii aanu soo dirnay aanay meelna kaga dhicin (dhismaha Jidka Dawga-cad) ee dadka reer Hargeysa ay hawl badan iyo lacag ka badan taayada galiyeen, markaa waxaan ka codsanayaa qurba-joogta reer Somaliland inay lacagtii soo kordhiyaan, waayo hawsha la qabtay waanu ka yaabnay,”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan leeyahay qurba-joogta Ingiriiska, waatii Qaadkii la innaga joojiyey ee lacagtii aynu ku qayili jirnay aynu aakhiro….”

Aamina Cabdi Axmed, oo ka mid ah qurba-jooga Cardiff ee dalka Ingiriiska, ayaa iyaduna tidhi “Tacabkeenii wuu muuqdaa, laakiin tacabkaa hore mid ka badan-buu u baahan yahay jidkani, dedaal kale ayaana loo baahan yahay.”

Dawga 4Sheekh Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo ka mid ah Guddida Dawga-cad, ayaa isaguna sheegay inay muddo saddex sanadood ah wadaan dhismaha jidka Dawga-cad, hasa-ahaatee uu jidkaasi ku dhismay tacabka dadka deegaanka ka soo jeeda qurba-joog iyo guda-joogba, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa inay saddex sanadood noo buuxsameen, intii aanu waddada garaaceynay ee aanu wadnay, waxayna ku dhisantay wixii adduun naga soo gaadhay dadka deegaanka ee dibadda jooga ama gudaha, cid kale oo wax la sheego ku darsatay ma jirto.”

“Inta la doonayo in Laamay laga dhigaa waa 104KM, inta uu Dawga-cad jafayo Maxamed Aw Siciid ee uu naga caawiyey, waxa kale oo dheer in Hargeysa ilaa Ceel-sheekh uu Carratuulka noo dhigo, waxaanu yidhi anigaa waxayga isku-qaba, ee daamurka baadi doona, markaa waxa innagu hadhay waa Daamurkii, Ceelna uma qodna, ciidana uma maqna, weynu isku tashanaynaa, cid aynu isku haleynaynaana ma jirto, markaa soo dedaala, intii horena halkii aad ka soo saarteen ILAAHAY khayr ha idiinku bedalo,” ayuu yidhi Sheekh Cabdiqaadir.

Suldaan Maxamuud Siciid, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Waqooyiga Hargeysa isla-markaana ka mid ah guddida dhismaha Jidkaasi, oo halkaasi ka hadlay, ayaa ammaanay dedaalka loogu jiro dhismaha Dawga-cad, hawsha ilaa hadda la qabtay iyo hawsha hadhay ee loo baahan yahay in dadweynaha reer Somaliland ka qayb-qaataan, “Haddaanu nahay Guddida Waddada Dawga-cad, waxa sharaf noo ah in Qurba-jooggu uu waddada nala soo eegay, Waddadu si wanaagsan-bay u dhisantay, una socotaa, haddaan qurba-joogu jirinna halkaa may gaadheen. Qurba-jooga isku tagoodii iyo wax soo dirkoodii ayaa gacan ka geystay jidkan intaa imika la sameeyay, ILLAAHAYNA waxaanu uga baryeynaa inuu halkii ay ka soo saareen khayr ugu bedello,” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid.

SOMALILANDPOST.NET