Danjire Maxamed Xaaji Oo Kulan Aan Loo Kala hadhin La Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Toronto

Toronto (SLpost)- Jaaliyadda Somaliland ee Toronto, ayaan soo dhaweyn ballaadhan iyo kulan aan loo kala hadhin ku qaabilay Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan oo Socdaal shaqo ku gaadhay dalka Canada.

Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda Magaalada Toronto oo ay weheliyaan Saraakiisha xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland, waxa ay Safiirka Somaliland ee Taiwan kaga hortageen kuna qaabileen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Toronto.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Toronto Cabdiraxmaan Batuun, Guddoomiyaha Garabka haweenka ee Urur-siyaasadeedka Waaberi oo ay wehelinayaan, Afhayeenka Jaaliyadda Cabdilaahi Cumar Baraad, Xoghayaha Jaaliyadda Ayaanle, Guddiga fulinta iyo xubno kale, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay Danjire Maxamed Cumar Xaaji.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Toronto Cabdiraxmaan Batuun iyo Danjire Maxamed Xaaji ayaa kalmado kooban oo mahad-naq iyo dhiirrigelin isugu jira ka jeediyey mashada soo dhaweynta.

Soo-dhaweyn kaddib, waxa ay jaaliyadda Magaalada Toronto Ambassador Maxamed Cumar ku maamuuseen kulan-sharafeed kulmiyey guud ahaan jaaliyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Toronto ee caasimadda Gobolka Ontario ee dalka Canada.

Kulanka lagu maamuusay Danjire Xaaji, waxa goob-joog kaa haa Guddomiyeyasha Xisbiyada Qaranka u fadhiya Magaalada Toronto, Guddomiyaha garabka haweenka Ururka Waaberi Marwo Suhuur Abiib, waxaana halkaas halkaas laga jeediyey hadallo isugu jira is-xog-waraysi, is-baraarujin iyo xaaladda siyaasadeed ee dalku xilligan ku jiro.

Dhinaca kale, Danjire Maxamed Cumar Xaaji wuxuu sidoo kale kulan la qaatay odayaasha, wax-garadka iyo mus-dambeedka jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Toronto, kuwaas oo ay is-dhaafsadeen is-xog-waraysi iyo isbarasho, iyagoo halkaas iskula qaatay kulamo kale oo ay isku arki doonaan.