Danjire Baashe Cawil oo Faahfaahiyey Natiijada ka soo Baxday Shirka Maalgeshiga Somaliland ee Nairobi

 

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Danjire Baashe Cawil oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Telefishanka BBC, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shirkadaha iyo masuuliyiinta dowladaha Caalamka ee ka qayb-galay Shirkan oo Khamiistii shalay la soo gebo-gabeeyey.

Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar waxa uu sheegay in shirkaas loogu gudbiyey madaxdii ka soo qaygashay oo  iskugu jiray  saraakiil ka socday dawladda Kenya iyo shirkadaha kala duwan, warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan baahiyaha maalgashi ee Somaliland u baahan tahay.

Danjire Baashe Cawil  wuxuu tilmaamay inay martidii lagu casuumay  gaar ahaan shirkadihii  ganacsigu  ay muujiyeen siday u danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka jirto nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa oo caalamku aamini karo.

 

https://www.youtube.com/watch?v=UcDCb_dvLGk