Dalladda NAGAAD oo daahfutray Olole Ballaadhan oo Shacabka lagaga Wacyi-gelinayo Halista Cudurka COVID-19

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Guud ee Dalladda Isku-xidhka haweenka ee NAGAAD, ayaa maanta lagu qabtay kulan lagu Daah-furayey Wacyi-gelinta ka-hortagga cudurka COVID-19 oo bulshada lagaga baraarujinayo dhibaatada uu leeyahay cudurka iyo sidii ay uga feejignaan lahaayeen.

Ololaha Wacyi-gelinta ah ee maanta la daah-furay, waxa fulinaya isla markaana gobollada dalka ka samayn doona Daladda Haweenka ee NAGAAD.

Waxa Madasha kulanku ku qabsoomay ka qayb galay Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda caafmaadka, Siyaasiyiin, xildhaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa iyo masuuliyinta ugu sarreya Dalladda Haweenka ee NAGAAD.

Ugu horayn waxa ka hadlay madasha Guddoomiyaha Dalladda Iskuxidhka Haweenka ee NAGAAD Ismahaan Cabdisalaan Xasan oo tilmaanay muhiimadda ay leedahay in bulshadu ku baraarugsanaato samaynta uu cudurkani leeyahay iyo doorka wacyigelineed ay dallad ahaan ka qaadan doonaan.

Xildhiban Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargaysa ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay doorka ay dowlad hoose ahaan ka qaataan wacyi-gelinta caabuqa Coronavirus, waxaanu sheegay in ay dhawaan meheradaha Ganacsiga ee caasimadda ku amri doonaan Taangiyada Faraxalka inay ka hirgeliyaan meheradooda.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Mahdi Cismaan Cabdilaahi iyo Wasiirkii hore Ganacsiga Dr Cumar Shacayb Maxamed oo labadooduba halkaas bulshada uga diray farriimo caafimaad oo la xidhiidha halista cudurkani leeyahay.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose