“Dalka waa lagu soo Duuley oo waxa la isticmaalayaa qaar innaga ah oo…” – Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo xiisadaha xilligan ka taagan.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in cadowga Somaliland oo adeegsanaya muwaadiniin dalka u dhashay ay duullaan ku soo qaadeen dalka iyagoo ka xun horumarka ay shacabka iyo dowladdu gaadheen, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo uu sheegay inay guul wax-ku-ool ah u soo hoyeen Qaranimada.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Advertisement

Follow us On