Dalka Oman oo Mashruuc Malaayiin Dollar Ku baxayso ku maal-gashanaya Dekedda Berbera iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay

Muscat (SLpost)- Shirkadda ugu weyn dalka Cumaan ee soo saarta Sibidhka, ayaa maal-geshi ku kacaya malaayiin Dollar ku samaynaysa Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Raysut Cement, ayaa maanta Heshiis Terminal Cusub lagu kordhinayo dekedda Berbera la saxeexatay shirkad lagu magacaabo Barwaaqo Cement oo Somaliland laga leeyahay, kaas oo loogu talo-galay inay gaar u noqoto soo-dejinta Sibidhka ay soo saarto Shirkadda reer Cumaan oo marka Somaliland laga yimaaddo noqon doonto marin loo mariyo ganacsiga Sibidhka waddamada Geeska Afrika.

DIGITAL CAMERAHeshiiska oo ka dhacay caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, waxa goob-joog ka ahaa isla markaana labada dhinac heshiiska u saxeexay Shirkadda Raysut Cement Eng Salid bin Alawi bin Mohammed Baabood iyo Guddoomiyaha Shirkadda Barwaaqo Cement Ismaaciil Siciid Xuseen, sida ay baahisay jariiradda Muscat Daily oo shabakadda Somalilandpost.net warkan ka soo xigatay.

“Sida heshiisku yahay, qayb cusub oo laga dejiso Sibidhka, isla markaana lagu qaybiyo lagu kordhin doonaa Dekedda Berbera, iyada la isticmaalayo farsamadii ugu dambeysay ee keydinta Sibidhka oo loo samayn doono goob lagu keydiyo 12,000 Tan,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda reer Oman oo Wargeyska u warramay.

Guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement, waxa uu sheegay in maal-gashiga mashruucan ay ku kici doonto lacag dhan 7.5 milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Ma jiro wax war oo ka soo baxay dhinaca dawladda Somaliland, gaar ahaan maamulka Dekedda Berbera iyo Shirkadda Barwaaqo Cement, oo ka hadlaya heshiiska lala galay shirkaddan.

SOMALILANDPOST.NET