Dalka Kenya oo markii u horreysay Wasiirka Arrimaha Debedda loo magacaabo Haweenay Soomaaliyeed

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay ku dhawaaqay qaybo ka mid ah dhismaha dawladdiisa, ayaa markii u horreysay taariikhda dalkaas, golihiisa wasiirrada ku soo daray Haweenay ka soo jeedda Qoomiyadda Soomaalida ee dalka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Debedda u magacaabay Aamina Maxamed oo xilal kala duwan ka soo qabatay Qaramada Midoobay iyada ooh ore oo hore u ahayd kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Ururka Ganacsiga Dunida, sidoo kale noqotay ku-xigeenka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka isla markaana dhowaan isu-taagtay Jagada guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Dunida.

Uhuru Kenyatta, Amina Mohamed, Kenyan foreign ministerAamina Maxamed oo muddo 30 sannadood ah ku soo jirtay hawlaha diblomaasiyadda caalamiga ah, ayaa ka mid ah xubnaha loogu qaddarin badanyahay Xayndaabka maamul ee hay’adaha Qaramada midoobay oo ay ka soo hawl gallaysay 20kii sanno ee danbeeyey.

Xilka Wasiirka Arrimaha Debedda ee loo magacaabay haweenaydan, ayaa la filayaa inuu ka horjoogsado murashaxnimada xilka guddoomiyaha ururka Ganacsiga Adduunka WTO oo ay Xarunta warbaahinta ee ururkaasi ee magaalada Geneva ka dhawaaqday hankeeda, iyada oo loollan kula jirtay haweenay wasiirka ganacsiga ka soo noqotay dalka Indonesia.

Mark la eego khibradda haweenaydan, waxa ay ka mid ahayd Guddidii loo xil-saaray soo-dejinta Dastuurka Cusub ee dalka yeeshay ka dib qalaalaasahii sannadkii 2007 dalkaasi ka dhacay, iyada oo sidoo kale mar noqotay Wasiirka cadaaladda dalka Kenya balse ay markiiba u wareegtay dhanka hay’adaha Qaramada Midoobay.

Marwo Aamina oo sannadkii 1961-kii ku dhalatay magaalada Nairobi, qayb ahaanna dhalasheedu ka soo jeeddo Somaliland, ayaa Magacaabista Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya noqonaysa xilkii ugu sarreeyey dalkaas ee loo magacaabo qoomiyadda Soomaalida dalkaas, halka sidoo kale uu noqonayo xilkii ugu sarreeyey ee haweenay Soomaaliyeed loo magacaabo, waxaana magacaabisteeda soo dhaweeyey gebi ahaanba warbaahinta dalka Kenya oo si weyn u taageersanayd.

SOMALILANDPOST.NET