Dalka Ethiopia oo Qorshe Cusub ku Wejahaysa Ka-hortagga Cudurka Coronovirus

 

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe hor leh oo ay kaga hortagayso Cudurka Coronavirus ee faraha baas ku haya dalka China oo waddamo badan ay ka cabsi qabaan in uu ku Fido.

Maxadka Arimaha Caafimaadka ee Dalka Itoobiya ayaa shaacisay qorshayaal cusub oo lagaga horgayo caabuqaas, kuwaas oo lagu samaynayo dadka rakaabka ah ee kasoo daga madaarada dalkaasi.