Dalka Ethiopia oo Qarinaya Nooca Cudur Boqolaal Qof u dhinteen, Kumanaan kalena u jiifaan

 

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka ee Ethiopia ayaa la sheegay inay diiddan tahay Shaacinta tuhun laga qabto inuu dalkeeda ka dillaacay Cudurka daacuunka.

Inta la ogyahay 684 qof ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalkeeda muddo sannad gudihii ah, sidoo kale waxaa haatan u jiifa 60 Kun Qof, sida ay sheegayso warbixin ay qoreen wakaaladaha wararka oo soo xiganaya wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha dalkaas.

Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Iyadoo laga baqayo inay saameyn ku yeelato dakhliga ka soo xerooda dhoofinta cuntada iyo dalxiiska, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa in cudurka uu yahay shuban biyood oo ay la socoto xaaladdiisa, sida warbixinta lagu sheegay.

Laakiin, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ee jooga Addis Ababa ayaa sheegaya in baadhitaannada sheybaadhka ay muujinayaan in dhimashadu ay ugu wacan tahay cudurka daacuunka.

Hay’aduhu waxay rabaan dowladdu in ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo ku saabsan Daacuunka si kor loogu qaado wecyiga gudaha iyo in la wanaajiyo waxqabadka caalamiga ah.

Paul Hebert, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bini’aadannimada ee Itoobiya, ayaa sheegay in inkasta oo cudurka aanu xakamaysnayn, haddana uu ku sii faafayo qaybo cusub oo dalka ah loona baahan yahay in la caddeeyo wuxuu yahay.

“Haddii lagu dhawaaqo in cudurkani yahay Daacuun,  waxaan arki doonaa jawaabo aad u xoog badan oo ka imanaya deeq-bixiyeyaasha, marka loo eego maalgalinta iyo abaabulidda,” ayuu yidhi Paul Hebert.

Cudurka Daacuunka ayaa si dhakhso ah wax u dili kara haddii aan la daaweyn. Horraantii sanadkii hore dhowr boqol oo dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay dalka dariska la ah ee Suudaan.

Bishii Abriil caabuq ayaa laga diiwaan geliyey gobolka Gambella ee Itoobiya, taasoo keentay in shaqaalaha caafimaadka ay rumaystaan in cudurka lagu qaaday xadka.

Roobab culus iyo daadad ayaa ka caawiyay inuu cudurku ku fido 8 ka mid ah 11ka gobol ee Itoobiya.

Toddobaadkan oo keliya in ka badan 1,000 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey degmada waqooyiga ee canfarta.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Addis Ababa in walaacyada Qaramada Midoobay ay xad-dhaaf yihiin. wuxuu sheegay in ay dowladda Ethiopia dadaallo culus ku bixineyso wax ka qabashada cudurka dillaacay.

Dalal kale oo Afrikaan ah ayaa diiday in ay qiraan in daacuun ka dillaacay iyaga oo ka baqaya in ay waxyeelleeyaan dhaqaalahooda.

Qaramada Midoobay awood uma lahan inay ku dhawaaqdo cudur faafa waana inay raacdaa hagida wasaaradda caafimaadka ee dal kasta.

Laakiin, xilli roobaadka oo la filayo bilaha soo socda, shaqaalaha samafalka ayaa ka walaacsan in tirada dadka dhimashadu ay si aad ah kor ugu kici doonto haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin.