DALJIR: Buug Koobsaday Sooyaalka Taariikheed ee Ganacsade Xaaji Aadan Baradho Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa caawa lagu soo bandhigay Buug laga qoray Taariikh-nololeedka, kaalintii uu ka soo qaatay halgankii Dib-u-xoreynta dalka, Doorkii uu Horumarka iyo Nabadda dalka ka soo qaatay Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho) oo ka mid ah shaqsiyaadka taariikhda ku leh Somaliland.

Munaasibadda Bandhigga Buugga oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa kulmisay Madaxda, Haldoorka iyo Labeenta Somaliland, kuwaas oo dhammaantood ka marag-kacay Qiimaha uu qaranka u leeyahay Ganacsade Aadan-Baradho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Maayorka Caasimadda, Siyaasiyiin, Aqoonayahan, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Ganacsato, Culimo, Wax-garad iyo Dhalinyaro haween iyo ragba isugu jira, ayaa ka qayb-galay munaasibadda Bandhigga Buugga Daljir oo xog-ururintiisa iyo Qoristiisa ay iska kaashadeen dhalinyaro iskood-isu xilqaantay oo muddo Afar sanno ah ku hawlanaa Xog-waraysiyo iyo dareeriska Buuggga.

Advertisement

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Qoraaga Buugga Daljir Cabdinaasir Axmed Ibraahim Oo faahfaahin ka bixiyey geeddi-socodkii iyo marxaladihii uu soo maray Buugga Daljir.

“Buuggani waxa uu socday muddo afar sanno ah waxaana bilaabay laba dhallinyarro ah,ana sidaasi ayaan ku bilaabay. 67 qof oo haldoorka Somaliland ah baan warraysanay, mid kastaana waxa aan ka waraysanay wixii uu Xaaji Addan ka yaqaanay”, sidaas ayuu yidhi Qoraaga Buuga Daljir Cabdinasir Axmed Ibraahim.

 

Daawo Muuqaalka Xafladda Bandhigga Buugga Daljir

Follow us On