Dalalka Yurub Oo ku Heshiiyay In Qaxoontiga Giriiga Lagu Celiyo Turkiga iyo Faaidada Uu Ku Badashay Turkigu

EU(Slpost)-Hogaamiyayaasha Midowga Yurub waxay isku raaceen inay aragti isku mid ah ka qaataan heshiiska Turkiga ee looga badalanayo dhaqaalaha, si loo dhimo qulqulka tahriibayaasha.

qaxoonti1

Qorshaha waxa uu yahay in muhaajiriinta gaaraya Giriigga dib loogu celiyo Turkiga oo taas looga badalanayo in dadka Turkiga ay helaan Visa la’aan inay galaan Yurub.

Waxay hogaamiyayaashan ka munaaqashoodeen in loo ballan qaado qofkastoo sheegta inuu yahay megengelyo doon in si buuxda loogu dhageysto dalka Giriigga, sida uu qabo xeerka caalamiga ah.

Sidoo kale haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay sheegtay in heshiiskan danta laga leeyahay ay tahay in lagu caawiyo dadka kumannaanka gaaraya ee ku go’doonsan Giriigga.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan goobta shirka ee Brussels waxa uu sheegayaa in iyadoo laga jawaabayo diidmada Qubrus iyo dalalka kale ee EU, in arrinta ay u muuqato in heshiiskaasi uu fulikaro oo keli ah marka la helo dhammaan tanaasulaadaha.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, waxa uu tilmaamay inuu doonayay heshiis lagu caawinayo labada dal ee Giriigga iyo Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa maanta la filayaa inuu ka qeybgalo hogaamiyayaasha ku shiraya Brussels, wuxuuna ka digay in dalkiisa uusan noqon doonin xabsiga furan ee tahriibayaasha.

In kabadan hal milyan oo qof ayaa u qaxay dalalka Midowga Yurub sanadkii tagay oo keli ah.