Dalalka Baxrayn iyo Sudan Oo Xidhidhka U Jaray Iran iyo Dalal Kale Talaabooyin Kale Qaaday

Hargeysa(SLPost)-Saddex dal oo xulufo la ah Saudi Arabia, ayaa xirdhidhka u jaray Iran ama yareeyay, kadib markii Saudi Arabia ay xidhiidhka u jartay Iran, taasi oo ka dambeysay markii la weeraray safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa Bahrain waxa ay diblomaasiyiinta Iran ugu baaqday inay dalka uga baxaan muddo 48 saac ah gudahood.

Saudi Arabia, ayaa markii go’aankeeda ku dhowaaqeysay axadddii waxa ay sidoo kale siisay diblomaasiyiinta Iran laba maalmood inay dalka kaga baxaan. Sudan waxa ay sheegtay inay xidhiidhka u goysay Tehran, sababo la xidhiidha “Weeraradii xaasidnimada ahaa” ee lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran, axaddii. Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay xidhiidhka hoos u dhigayaan, sababta oo ah “Faro-gelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka Khaliijka Carbeed, oo gaadhay heer aad u sarreeya”.

Imaaraadka waxay ay xidideen tirada diblomaasiyiinta Iran ee dalkaas, islamarkaana waxa ay mataaladda Iran ee dalkaas ay hoos ugu dhigeen heer arrimo fulito, intii ay ka ahaan lahayd heer safiir. Iran ayaa goor sii horreysay cambaareysay tallaabadii ay Sacuudiga ku jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey labada dal, waxaana ay sheegtay in taasi ay xiisad ka hurineyso gobolka.

Somaliya ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay garab taagantahay dalka Sucuudiga waxaanay eedaymo u jeedisay dalka Iran.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Iran aysan weli kasoo tagin dalka Sacuudiga, balse la diyaariyey qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.