Dalal Reer Galbeedka oo ku Heshiiyey in Bangiyada Ruushka laga Saaro Nidaamka SWIFT

European Union flags flap in the wind at half-staff, in honour of European Parliament President David Sassoli, at EU headquarters in Brussels, Tuesday, Jan. 11, 2022. David Sassoli, the Italian journalist who worked his way up in politics and became president of the European Union's parliament, died at a hospital in Italy early Tuesday, Jan. 11, 2022 his spokesperson said. (AP Photo/Olivier Matthys)

Hargeysa (SLpost)- Waddamada Reer Galbeedka intooda badan ayaa isku raacay dhaqan-gelinta Cuna-qabatayntii Dhaqaale ee ugu adkayd ee ay saaraan dalka Ruushka oo duullaan la cambaareeyey ku qaaday Dalka Ukraine.

Boqortooyada Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada, Mareykanka, Faransiiska iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay in cunaqabatayn dhaqaale oo adag lagu soo rogo Ruushka oo ay ku jirto in bangiyada dalkaas laga saaro Nidaamka caalamiga ah ee Bangiyadu lacagaha Isugu diraan.

European Union flags flap in the wind at half-staff, in honour of European Parliament President David Sassoli, at EU headquarters in Brussels, Tuesday, Jan. 11, 2022. David Sassoli, the Italian journalist who worked his way up in politics and became president of the European Union’s parliament, died at a hospital in Italy early Tuesday, Jan. 11, 2022 his spokesperson said. (AP Photo/Olivier Matthys)

Nidaamka caalamiga ah ee Bangiyadu lacagaha Isugu diraan oo loogu yaqaanno SWIFT, ayaa dalalka reer Galbeedku maalmihii u dambeeyey ka yeesheen doodo adag oo dhexmary, iyadoo waddamo Jarmalku ku jiro oo arrintan ka soo horjeeday markii lagu dambe lagu qanciyey inay oggolaadaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka, ayaa sheegay inay dowladdoodu oggolaatay in nidaamka SWIFT laga saaro Bangiyada Ruushka. “Dhammaan bangiyada Ruushka oo horay ugu jiray cunaqabatayn caalami ah waxaa laga jari doonaa SWIFT,” ayuu yidhi Afhayeenku isagoo intaas ku daray inay ka fekerayaan inay cuna-qabataynta saaran qaar ka mid ah bangiyada Ruushka oo si gaar ah ah loo tixgelinayo si aanu meesha uga bixin dhaqaalaha iyo Hantida reer Galbeedka kaga xidhan Gudaha Ruushka.

“Iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan weerarkooda Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, waxaan go’aansanay inaan sii wadno cuna-qabataynta lagu soo rogayo Ruushka taas oo ka sii fogeyn doonta Ruushka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah iyo ku xidhnaanta dhaqaalahayaga. Waxaan fulin doonaa tallaabooyinkan maalmaha soo socda,” ayuu yidhi Yidhi.

Midowga Yurub ayaa Sabtidii sheegay inay dhowr bangi oo Ruush ah ka saarayaan nidaamka caalamiga ah ee SWIFT. “Waxaan go’aansanay inaan hubinno in tiro gaar ah oo bangiyada Ruushka ah laga saaray SWIFT,” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen.

Go’ankan oo qayb ka ah cuna-qabatayn dhaqaale oo dalalka reer Galbeedku ku soo rogeen Ruushka ayaa ka dambaysay kaddib markii uu Ruushku duullaan Milatari ku qaaday Dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sababta duullaanka ciidamadiisa ee Ukraine ku sheegay inuu jawaab u yahay codsi uga yimid malleeshiyaadka dagaalka ku jira ee Milatariga Ukraine ee gacanta ku haya gobolka Donbass oo ku yaalla Bariga dalkaas. Waxa uu Putin sheegay inuu go’aan ku gaadhay in la fuliyo howlgal milateri oo gaar ah si loo badbaadiyo dadka ku dhaqan gobolka Donbass oo ku hadla luqadda Ruushka. Waxa uu Putin ku eedeeyey dowladda Kiev inay xasuuq u geystay dadka ku dhaqan gobolkaas.

Nidaamka SWIFT oo loo soo gaabiyo (The Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication) oo laga leeyahay dalka Belgium, ayaa bixiya adeegyo ku saabsan Dhamaystirka iyo Hubinta dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed iyo Isu-dirista lacagaha ee dhexmara bangiyada adduunka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net