Daladda SONSAF oo Soo Jeediyey Saddex Qodob oo Suurto-galin kara Qabsoomidda Doorashooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Daladda SONSAF oo ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, ayaa soo dhawaysay go’aankii ay soo saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta khilaafka u dhexeeyey Xisbiyada Mucaaradka iyo xukuumadda.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Mr Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Xisbiyada iyo xukuumaddaba ugu baaqay inay u hoggaansamaan go’aanka ay soo saareen guddiga Dhexdhexaadinta isla markaana ay u diyaar garoobaan Doorashooyin xilligii loo muddeeyey ku qabsooma. 

Guddoomiye Anwar waxa uu soo jeediyey saddex qodob oo Dallad ahaan ay u arkaan inay suurto-galinayaan sidii dalka looga qaban-qaban lahaa Doorashooyin Goleyaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka, kuwaas oo uu sheegay inay Shacabka dalka u heellan yihiin qabsoomiddooda.

Guddoomiyaha oo faahfaahinayey Qodobbo ay SONSAF ahaan soo jeedinayaan ku-dhaqankooda si doorashooyinku uga qabsoomaan dalka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Waxaanu soo jeedinaynaa in loo dhego-nuglaado qodobbadii iyo go’aamadii ay soo saareen Guddiga Dhexdhexaadintu. Qodobka labaadna waxa weeyaan in Xisbiyada mucaaradku oggolaadaan Gogoshii madaxweynuhu u fidiyey oo ay wada-fadhiistaan si looga wada-hadlo arrimihii Doorashada. Qodobka Saddexaadna waxa weeyaan in wax kasta oo fududaynaya in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto in la fududeeyo dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka”, Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Anwar Cabdiraxmaan.

 Hadalka Guddoomiyaha oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose