Daladda SONSAF oo ka warbixisay 475 Cabashooyin la xidhiidha Doorashooyinka oo ka dhacay Gobollada dalka

Hargeysa (SLpost)- Dalladda ay ku Midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah Somaliland ee SONSAF, ayaa ka warbixiyey noocyada ay yihiin cabashooyin la xidhiidha doorashooyinka oo la soo gaadhsiiyey Xarunta La-socodka habsam-u-socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo shalay ku qaboontay dalka.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ay weheliyaan kor-joogayaasha Maxalliga ah ee doorashada, ayaa ka war-bixiyey qaabka ay ku soo dhammaatay doorashooyinka shalay looga dareeray dalka, waxaanu sheegay inay si nabad-gelyo ah ku qabsoontay doorashadu.

Balse waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay xaruntooda xog-qabadka Doorashada soo gaadheen 475 cabasho oo la xidhiidha doorashooyinka, kuwaas oo ka kala dhacay goobaha codbixinta degmo-doorashooyinka ka tirsan dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in cabashooyinkaas oo intooda ugu badan laga soo tabiyey degmo-doorashooyinka gobollada Togdheer iyo Maroodijeex ay ahaayeen qaar farsamo balse markii dambe la xalliyey.

“Iyada oo loo marayo SONSAF-ESR, wadar ahaan tiro dhan 475 dhacdo oo cabashooyin ah ayaa laga soo gaadhsiiyey 6-da gobol, iyada oo Maroodijeex uu haysto rikoodhka ugu sarreeya ee 329. Cabashooyinku waa kuwo la xidhiidha nidaamka, badankooduna waxa lagu xaliyay waqtigii loogu talagalay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Anwar.

Halkan hoose kaga bogo Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah kaga bogo

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Illaa 3-dii duhurnimo, khilaaf weyn ma dhicin marka laga reebo isfaham la’aan yar oo u dhaxeysay dhalinyarada iyo amaanka magaalada Hargeysa taasi oo dhalisay rasaas iyo dhaawac fudud, arrintiina waa la xaliyay.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net