Dadka Maraykan Ee Caddaanka Ah Ayaa Ka Cimri Dheer Kuwa Madowga Ah Ee Dalkaas

Washington (SLpost)- Cilmibaadhis natiijadeedu soo baxday arbacadii toddobaadkii hore ayaa daahfurtay in dadka Maraykan ee midabkoodu uu caddaanka yahay ay ka cimri dheer yihiin kuwa midabkoodu madowga yahay. cilmibaadhistani waxa ay arrintan u cuskatay warbixinaha caafimaad oo sannadkii 2009kii caddeeyey in celcelis ahaan da’da dadka midabkoodu madowga yahay ee Maraykanka ahi ay gaadho 71 sano, halka kuwa midabkoodu caddaanka yahay ay celcelis ahaan gaadhaan 76 sano.

Wargeyska Daily Mail oo qoray natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in cilmibaadhayaashu ay isku khilaafeen sababta dhabta ah ee arrintan keentay, laakiin daraasado dhowr ah oo la sameeyey ay sheegayaan in nooca hurdo ee dadkani ay ka mid tahay sababaha. Professor James Sherman oo ah bare-sare oo cimiga cudurrada faafa ka dhiga jaamacadda Emory ee gobolka Georgia dalka Maraykanka ayaa sheegay in hurdadu ay wanaajiso habsami u shaqaynta hab-dhiska wareegga dhiigga, isla markaana ay siiso fursad uu isagu iskii dib ugu soo ceshan karo firfircoonidiisa iyo caafimaadkiisa.

Daraasaddu oo xujo ka dhigatay xarunta Maraykanka ee xakamaynta cudurrada oo sannadkii hore warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka Maraykan ee madowga ahi ay seexdaan saacado ka yar kuwa ay seexdaan dadka caddaanka ahi, taasina ay sabab u noqoto cimri degdeg badan oo ku dhaca dadka madowga ah.

Xigasho Geeska Afrika