“Dadka Garaacaya Durbaanka Dhiillada, Abuuridda Colaadda Iyo Iska Horkeenka Bulshada waxaanu u sheegaynaa…” ~ War-murtiyeedka Xildhibaanada Sool

Laascaanood (SLpost)- Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee laga soo doortay goboladda Sool iyo Buuhoodle iyo xildhibaanadda Goleyaasha Deegaanka ee Magaalooyinka Laascaanood, Taleex, Xuddun iyo Buuhoodle, ayaa baaq ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Laascaanood.

Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta kale oo Jimcaha Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay ka xun yihiin khasaarihii ka dhashay Mudahaaradadii ka dhacay Laascaanood, laakiin ay ka soo horjeedaan cid kasta nabadgalyo daro la damacsan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Xildhibannadu waxa war-murtiyeedkooda ku difaaceen Qaranimada iyo Midnimada dhuleed ee Somaliland, waxayna sheegeen in aanay jirin cid odhan karta Ciidammada Qaranku haka baxaan Gobolka Sool, maaddaama oo ay ciidanku joogaan dhulkooda.

Waxay sheegeen inay Masuuliyiin ahaan ka shaqaynayaan sidii tabashada reer Sool qabaan loogu dhamayn lahaa Wada-hadal, laakiin ay u digayaan cid kasta oo tumaysa dawanka colaadda

Muuqaalka Hoose Ka Daawo war-murtiyeedka ay soo saareen Xildhibaannadu.