Dadka buuran oo xusuustoodu yar tahay

Dadka buuran ama cayilan ayaa la sheegay inay xusuustoodu ka liidato dadka aan buurnayn ee baaruurtu ay ku yar tahay. Konton qof oo la tijaabiyey oo cayilan ayaa la ogaaday in xusuustoodu ay ka xuntahay dadka caadiga ah ee aan buurnayn.

buuran

Daraasadan ayaa lagu soo bandhigay (Quarterly Journal of Experimental Psychology) iyagoo sheegay in dadka cayilani aanay qaarkood xasuusan inay mar dhawayd wax cuneen dabeetana ay markale wax cunaan taasi oo keenta baruur iyo balaadhni xad dhaaf ah .