Dad Cadhaysan oo Baajiyay Dibad Bax Musharaxa Mulimka Necebi Uu Doonayay

Us(Slpost)-Dibadbaxayaal caraysan ayaa waxa ay horseedeen in la baajiyo isu soo bax siyaasadeed oo la qorsheeyay in magaalada Chicago uu ku qabsado musharaxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Qalalaase ayaa ka bilowday meesha kaddib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Trump iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda.

us

Booliska ayaa sheegay in qalalaasaha kaddib ay xidheen 32 qof.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee wajahda xafladaha uu qabsado musharaxaasi Xisbiga Jamhuuriga.

Ninkan maalqabeenka ah ayaa ku gacansayray fikirka ah in uu leehay masuuliyadda dhacdooyinkaasi. Waxa uu sidoo kale diiday in hadalada uu ka jediyay isku soo baxyadiisa ay dhiiragaliyaan rabshadaha.