Dacwaddii U Dhaxaysay Jaamacadda Hargeysa Iyo Jaamacaddii Magaceeda La Baxday Oo La Soo Afjaray

 

Hargaysa(SLpost)-Waxa Axaddii toddobaadkan si rasmi ah ay maxkamadda gobalka Hargeysa u soo gunaanaday dacwad u dhaxaysay jaamacada Hargeysa iyo jaamacad kale oo la baxday Hargeisa International University.

Maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa dacwad ku oogay jaamacaddan cusub oo uu aasaasay Dr. Cabdi Gaas oo hore guddoomiye uga ahaa jaamacada Hargeysa iyo xulufo kale, waxaanay jaamacadda Hargeysi jaamacadan ku eedaysay inay si sharci darro ah magaceeda iyo macluumaad kale oo ay leedahay u qaadatay.

 

Dacwaddan oo bilaabantay toddobaadkii hore islamarkaana ay ka qayb galeen qareenno kala metelayay labada jaamacadood iyo madaxda jaamacadda Hargeysa iyo madaxda jaamacaddan la baxday HIU, ayaa fadhigii labaad oo loo balansanaa Axadii doraad waxa uu noqday mid soo gunnaanada geedi socodka dacwadda, ka dib markii uu maamulka Jaamacadda la baxday Hargiesa International University maxkamadda u sheegay inay ka tanaasuleen qaadashada magaca Hargeysa islamarkaana ay la baxeen Maroodi-jeex International University.

“Maxkamaddu waxay ayiday soo jeedinta uu qareenka dacweysanayaashu (HIU) kasoo hor jeediyay fadhigii Maxkamada ee ku mudeysnaa 27/09/2015 iyo warqadda ku taariikhaysan 19/09/2015 ee kasoo baxday Maamulka Jaamacadda Ex. Hargeysa International University ee ah in ay si ikhtiyaari ah uga tanaasuleen Magacii Hargeisa International University isla markaana loo sugo una dhawrsoonaanta magaca Marodijeh International University iyo Marodijeh University”.ayay yidhaahdeen Masuuliyiin u hadlay Jaamacadda cusub ee Marodijeh International University

 

Waxaana halkaas ku oodantay dacwadii u dhaxaysay labada jaamacadood, waxaana la filayaa inay maxkamadda gobalka Hargeysa soo saarto go’aanka gunaanadka dacwadan u dhaxaysay jaamacadaha.