Dacwadda Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan oo dib loo dhigay

Muqdisho(SLPOST)-Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta waxa ay dib u furtay Dhageysiga dacwadda Wariye Cabdi Casiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan oo Horay loogu heestay eedeymo ku aadan warar Been Abuur ah sida ay sheegtay Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobolka Banaadir horayna ugu Xukuntay Xarig Muddo Halsano ah.

Maxkamadda Racfaanka ayaa kadib markii ay bilaawday Dhageysiga dacawada labadaan qof eedeymaha Loo heesto ayaa Ugu dambeyntii waxa ay aqbashay Cadeymo Muujinayo in Wariye Koronto uu Beri ka yahay waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Dhageysiga Dacwadda La xiriirta Wariye Cabdi Casiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan oo dheeraatay ayaa Maxkamadda Racfaanka waxa ay Go’aamisay in dib loo dhigay dhageysiga Dacwaddaasi islamarkaana loo weeciyay Arbacada Nasoo aadan.

Max’ed Bashiir Xaashi Guddomiyaha Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaliya ee Gobolka Banaadir NUSOJ oo Idaacadda Shabelle Lahadlay kadib Markii ay soo ay soo dhamatay Dhageysiga dacwadda ay dib U furtay Maxkamadda Racfaanka ayaa waxa uu Rajo wanaagsan Ka muujiyay Cadeymaha ay aqbashay Maxkamadda Racfaanka kuwaasoo Muujinaya in uu beri ka yahay waxyaabaha loo heysto Wariye Cabdi Casiis.

Dhageysiga Dacwada Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa kadan baysay kadib markii ay hay,adaha uu doda xuququl insaanku ay ay ku tilmameen warkii hore ee kaoo baxay maxkamada mid an ahayn cadalad kaoo kanay in dib loo ego kiikaska.

Somalilandpost
Hargaysa